Eden Hazadrd oo ka hadlay farqiga u dhaxeeya Mourinho, Conte iyo Sarri

0
Friday September 28, 2018 - 22:10:37 in Wararka by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazadrd oo ka hadlay farqiga u dhaxeeya Mourinho, Conte iyo Sarri

    Chelsea weeraryahankeesa Eden Hazard ayaa waraysi dheer oo uu siiyay La Gazzetta dello Sport kaga hadlay xiriirka kala dhaxeeya macallinka cusub ee kooxda Maurizio Sarri. "Waxa aynu haysanna ciyaaryahanno kuwaas oo jacel in ay haystaan kubadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea weeraryahankeesa Eden Hazard ayaa waraysi dheer oo uu siiyay La Gazzetta dello Sport kaga hadlay xiriirka kala dhaxeeya macallinka cusub ee kooxda Maurizio Sarri. "Waxa aynu haysanna ciyaaryahanno kuwaas oo jacel in ay haystaan kubadda, weeraryahanadu way ka faaidaysan karaan hannaan ciyaareedkeenna cusub.

"Haddii aan kubadda haysano waxa badan waxaan abuuri karnaa fursado badan, Sarri waa tababare jecel hanaan ciyaareedka kudhisan kubad haysiga, isagu waa talyaani tababarkuna had iyo jeer waa mid adag.

Mar uu ka hadlayay haddii ay wax farqi ah u dhaxaeyo Sarri iyo tababarayashi ka horeeyay ee Sarri, Mourinho iyo Conte, Hazard ayaa shaaca kaqaaday in uusan u dhaxayn wax farqi ah:

"Si Lamid ah Sarri, waxa aan ku haystay xorriyad markii aan ka hoos ciyaarayay Mourinho iyo Conte, si wanaagsan ayaana u ciyaaray waxaana dhaliyay goolal badan.

"Sarri had iyo jeer waxa uu jecel yahay in ciyaaryahan kasta uu u ciyaaro sida ugu wanaagsan, madoonayo in aan muujiyo xushmad darro, balse xulkayga Belgium waa ay ku fakari doonaan isaga(Sarri) haddii u baxo Roberto Martinez.”ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray kabtanka Belgium Eden Hazard.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip