Arsenal oo weeraryahankan reer Belgium dib ugu soo celinaysa Qaaradda Yurub

0
Tuesday September 25, 2018 - 20:42:39 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo weeraryahankan reer Belgium dib ugu soo celinaysa Qaaradda Yurub

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha talyaaniga Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay lasoo saxiixato weeraryahanka Belgium Yannick Carrasco. 25-ayaa dad badan kayaabsaday kadib markii uu bishii January doortay in uu isaga dhaqaaqo Atletico Mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha talyaaniga Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay lasoo saxiixato weeraryahanka Belgium Yannick Carrasco. 25-ayaa dad badan kayaabsaday kadib markii uu bishii January doortay in uu isaga dhaqaaqo Atletico Madrid si uu ugu biiro kooxda reer China ee Dalian Yifang.

Carraso sameeyay bandhig indha qabad, kadib markii uu shabaqa ku hubsaday seddex gool 11-kulan oo uu saftay, balse xidiga reee Belgium ayaa ku guuldarraystay in uu laqabsado jawiga bariga fog waxaana lasoo sheegayaa in uu doonayo dib ugu soo laabashada qaaradda yurub.

Yeelkeede, Calciomercato ayaa baahisay in xidigan ay saf dheer ugu dheer ugu jiraa saxiixiisa kooxaha, Gunners, Juventus, Roma, Inter Milan iyo Napoli iyada Oo Carrasco lagu heli karo adduun dhan 25-malyan oo Euro.

Carrasco kaas oo gool u ansixiyay kooxdiisa Real Madrid kulankii kama danabysta ee sannaddii 2016 ayaa doortay in uu aado China isagoo xiisa kahelayay Napoli.

Balse wararka ayaa intaas kudaraya in kusoo laabashadiisa yurub ay dib usoo celin doonto sumcaddiisa iyada oo ay suura gal u tahay in xidigani uu usoo dhaqaaqo kooxda London.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip