Luka Modric oo ku guuleystey abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan caalamka

0
Monday September 24, 2018 - 23:55:52 in Wararka by
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luka Modric oo ku guuleystey abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan caalamka

    Ciyaaryahanka dalka Croatia iyo kooxda Real Madrid ayaa ku guuleystey abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan caalamka iyadoo ay la tartameen Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka dalka Croatia iyo kooxda Real Madrid ayaa ku guuleystey abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan caalamka iyadoo ay la tartameen Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo.

Xaflad ka dhacday magaalada London oo goor dhow la soo gabagabeeyay ayaa sidoo kale waxaa la siiyay Mohamed Salah abaalmarinta goolka ugu wanaagsanaa sanadka halka tababarihii xulka Faransiiska uu ku guuleystey tababaraha ugu wanaagsanaa caalamka.

Luka Modric ayaa markale abaal marintan waxa uu ugaga guuleystey Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah oo uu hore uga horqaaday abaal marintii xidiga sanadka ee Yurub ugu fiican.

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal marinta goolkii ugu quruxda badnaa aduunka ee sanadkan 2018 ka kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee lagu soo dooranayay abaal marinta goolka sanadka ee FIFA Puska Award 2018.

Dhinaca kale goolhayaha kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Belgium ee Courtois ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayihii aduunka ugu fiicnaa kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee lagu soo kala dooranayay saddexdii musharax ee abaal marinan u tartamayay.

Luka Modric ayaa soo afjaray sanado badan oo ay ciyaaryahanada Ronaldo iyo Messi ku tartami jireen abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip