Liverpool lagama guuleesanin 24-kulan ugu dambeesay Anfield ku cayaartay kulamada EPL waxayna guuleesteen 16-kulan ka mid ah waana bandhigooda ugu wanaagsan Anfield tan iyo Aug 2009 oo aan 31-kulan xiligaas laga badinin.
Salah ayaa ku lug yeeshay 41-gool 31-kulan oo uu Anfield ku cayaaray wuxuu dhaliyay 30-gool 11-gool kalena Anfield wuu ku caawiyay.
Tababare Klopp ayaa shalay maamulay kulankiisa 600-aad asigoo macalin ah wuxuu guuleestay 296-kulan wuxuu bar bar dhac galay 158-kulan halka 146-kulan laga badiyay.
Tababare Klopp ayaa ka guuleestay 5-kulan uu EPL wajahay macalin Mark Hughes waana tababaraha guulaha ugu badan uu ka heesto tartankan.
Tababare Hughes 6-kulan ee ugu dambeeyay uu Liverpool wajahay waa laga guuleestay sidoo kalena 17-gool ayaa laga dhaliyay halka 3-gool uu Reds ka dhaliyay asigoo kooxo kala duwan maamulayo.
Iskooradii laga diiwaan galiyay kulankii Liverpool 3-0 cagta ku marisay Southampton
Waxaan idiin heynaa iskooradii laga diiwaan galiyay kulankii shalay Liverpool 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga Southampton kana dhacay Anfield una suura galiyay hogaanka Reds inay kaligood ku noqdaan si ku meel gaar ah. Liverpool 3-0 Southmpton (Hoe