Barcelona oo qorsho la yaab leh u diyaarisay Paul Pogba!
Sida la wada ogyahay, Barcelona ayaa ku guuldarreysatay saxiixa Paul Pogba bishii lasoo dhaafay.
Sidaas darteed, waxa ay weli isku dayaysaa inay mar uun lasoo saxiixato, iyadoo hadda jadwalka ku darsatay inay xagaaga dambe u dhaqaaqaan.
Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in naadiga Barca ay hadda diyaar u tahay inay daawato ciyaar walba oo uu ciyaarayo Paul Pogba inta xilli ciyaareedkan ka dhiman.
Xubno ka socda kooxda Barcelona ayaa daawadayaal ka ahaa kullankii laacibka reer France uu labada gool ka dhaliyay kooxda Young Boys tartankii Champions League-ga.
Mirror ayaa werrineysa in 25-jirkan uu sii jiidanayo jaceylka ay u qabto kooxda reer Spain, waxaana hadafkeeda uu yahay inay xagaaga dambe si walbo gacanta ugu soo dhigaan.
Pogba ayaa ka caga jiidaya inuu kasii ciyaaro Old Trafford maadaama aysan isku fiicneyn isaga iyo tababarahiisa Jose Mourinho.
Madaxda Barcelona ayaa u idmatay inay Pogba soo dhammeeyaan agaasimaha guud ee Pep Segura iyo agaasimayaasha farsamada ee Eric Abidal iyo Ramon Planes.
Barcelona oo qorsho la yaab leh u diyaarisay Paul Pogba!
Sida la wada ogyahay, Barcelona ayaa ku guuldarreysatay saxiixa Paul Pogba bishii lasoo dhaafay. Sidaas darteed, waxa ay weli isku dayaysaa inay mar uun lasoo saxiixato, iyadoo hadda jadwalka ku darsatay inay xagaaga dambe u dhaqaaqaan. Wararka