Gogol dhigga kullanka Manchester United vs Wolves

0
Saturday September 22, 2018 - 21:53:29 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gogol dhigga kullanka Manchester United vs Wolves

    Jahwareerkii ay Manchester United ku billaabatay xilli ciyaareedkan ayaa u muuqda mid ay kasoo kabsanayaan, waxaana guulo xiriir ah ay ka gaareen Burnley, Watford iyo Young Boys. Red Devils ayaa maanka ku heysa inay gaartoo guusheedii 4-aad oo xirii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jahwareerkii ay Manchester United ku billaabatay xilli ciyaareedkan ayaa u muuqda mid ay kasoo kabsanayaan, waxaana guulo xiriir ah ay ka gaareen Burnley, Watford iyo Young Boys. Red Devils ayaa maanka ku heysa inay gaartoo guusheedii 4-aad oo xiriir ah markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.




Dhibaatada ugu badan ee heysata Jose Mourinho ayaa ah inuusan heli karin saf dhammeystiran maadaama ganaaxyo iyo dhaawacyo ay hareeyeen xiddigihiisa.

Macallinka reer Portugal ayaa soo dhoweynaya goolhayahiisii xilligii Porto ee Nuno Espirito Santo oo hadda macallin u ah Wolves.

Yaa ka maqan kullankan

Nemanja Matic oo cassaan loo taagay dhammaadkii ciyaartii Watford iyo Marcus Rashford ou kullankiisii labaad ee ganaaxa qaadanaya ayaa ka maqan Manchester United.

Phil Jones, Ander Herrera iyo Marcos Rojo ayaa guud ahaan kullankan dhaawacyo kaga maqan, halka Diego Dalot uu ku jiro safkq Jose uu diyaarsaday ka dib bandhiggii loo riyaaqay ee kullankii Young Boys.

Ivan Cavaleiro keliya ayaa ka maqan Wolves, waxaana laacibka garabka Portugal uu kasoo kabanayaa dhaawac dhabarka ah.

Safafka macquulka ee kusoo billaaban kara

Manchester United: De Gea; Valencia, Smalling, Lindelof, Young; Pogba, Fellaini, Fred; Lingard, Lukaku, Sanchez.

Wolves: Patricio; Bennet, Coady, Boly; Doherty, Moutinho, Neves, Jony; Costa, Jiminez, Jota.

Xaqiiqooyinka kullankan

Manchester United waxa ay garaacday Wolves lixdii kullan ee ugu dambeysay oo ay ku sooraan Old Trafford horyaalka, welib afartii jeer ee ugu dambeysay waa Premier League.

Wolverhampton Wanderes keliya laba gool ayay kusoo dhalisay Old Traffod toddobadii booqasho ee ugu dambeysay, waxaana labada gool ayaa kala yimaadeen labadii safar ee ugu dambeysay.

United waxaa la garaacay laba kullan, shantii ciyaarood ee ugu dambeysay Old Trafford ku ciyaareen, waxaana tiro ahaan ay la egtahay 48 kullan intaas ka horreysay guuldarrooyinka ay garoonkeeda ku qaateen.

Red Devils ayaa ka carareysa inay guuldarrooyin xiriir ah kusoo gaaraan garoonkooda tan iyo March 2014, halka Jose Mourinho uusan weligiis horyaal isagoo ciyaaraya laba guuldarro oo is xigta garoonkiisa ku qaadanin.

Manchester United keliya hal guuldarro ayaa kasoo gaartay kooxaha soo dallacay 49 kii jeer ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaaraan, waxaana halkaas jeer garaacday Norwich December 2015.

Manchester United labadii kullan ee ugu dambeysay EPL waxa ay guddoontay calaamadda casaanka, weligeedse ma dhicin in saddex kullan oo xiriir ah casaan loo taago.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip