Nasashada Jimcaha. Q-114aad. "Waa iga Tallo iyo Xasuus Numbarka 114".

0
Saturday September 22, 2018 - 00:33:54 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q-114aad. "Waa iga Tallo iyo Xasuus Numbarka 114".

    1-Nin Saxaabi ahaa oo ayaa da'diisa la weydiiyay, waxaa la yiri: Adiga iyo Rasuulka SCW yaa weyn? Waxa uu yiri: Annigaa hor dhashay laakin Rasuulkaa iga weyn. Ixtiraam dartiis waxa uu diidayay in uu yiraa: Rasuulka SCW ayaan ka weynahay. (Adigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Saxaabi ahaa oo ayaa da'diisa la weydiiyay, waxaa la yiri: Adiga iyo Rasuulka SCW yaa weyn? Waxa uu yiri: Annigaa hor dhashay laakin Rasuulkaa iga weyn. Ixtiraam dartiis waxa uu diidayay in uu yiraa: Rasuulka SCW ayaan ka weynahay. (Adiguna marka aad waalidkaa la hadleyso, hubi jawaabtaada, dhinac kasta waalidkaa ha iska sare marin ee si asluubeysan u jawaab. waa iga talo) 2-Haweeney ayaa Dooli ka Liqay Faraanti Dahab ah, waxay u wacatay Nin xoolaha qalo, si uu Doolga u qalo ugana soo bixiyo Fraantiga. Wixii Guriga Dooli ku jiray ayuu isagu keenay hal Qal kuwaa oo ahaa 500 Doli , waa fiiriyay, waxa uu ka soo Xulay Hal Dooli waa qalay, wuxuuna Calooshiisa ka soo bixiyay Faraantigii.

Waxay ku Tiri: Sideed ku ogaatay kan Faraatiga Liqay inuu isaga ahaa?. Wuxuu yiri: Kaligii ayuu gooni u fadhiistay wuxuuna isku maleeyaa inuu inta kale ka sareeyo dushana uu ka fuuli karo, Doqon oo dhami markii uu Wax helo, Asaxaabtiisa iyo Ehelka waa ka dhax baxaa Gooni ayuuna u fadhiistaa in uu ka sareeyo ayuuna u maleeyaa,waana Calaamadda Doqonka. Dadka ha iskala weynaan, waa iga talo. F.S.1aad.

(Meeqa Asaxaabtaada iyo Elhelaaga ah ayaa markii Xil ama Xoolo ay heleen, aad arki weyday oo gooni u baxay, Mid xasuuso iskana cafi ? waa iga talo)

3-Nin ayaa xaday Kabahii Rasuulka SCW: Rasuulkii ayaa yiri: Ilaahayoow haddii baahiyo u geeysay, u barakeey wixii uu iga qaatay. Haddaan Baahiyo u geeyna Alloow soo hanuuni oo uga dhig Dambigii ugu dambeeyay ee uu Galo.

( Adigu kii Kabaha kaa xado maxaad dhihi lahayd? Sunnada Rasuulka Raac, Mujtamacana u Ducey, Maal aduunyo waa la helaa ee Kabo Dartood ayaan war xun iyo Inkaaru kaaga tagin, hana ku dimbaabin Tuhun aadan hubin. Waa iga talo)


4-wax ku dheelnimada iyo Nifaaqa Mujtamaca waxaa ka mid ah. Masaakiinta waxaan siinaa Dharkeena Duuga ah iyo Cuntada naga soo Harta. Taajiriinta iyo Madaxdana waxaad ku Casuumee, Cunta qaaliya oo annaguba inta badan aanan cunin oo eynaa nooga baahneeyn, waxaadna u keenee, Haddiyado qaali ah. F.S: 2, 3, 4 & 5aad).

(Waxaa haboon inaad wixii Fiican aad siiso kan kaaga baahan. Waa iga tallo).

5-Najmudiin Arbikaan ayaa yiri: Muslimiinta aan Danaynayn Siyaasada, waxaa xakumi doona Siyaasiyiin aan Daneeynayn Islaannimada.

( Dad badan ayaa ku leh, Annigu Siyaasad shaqo kuma lihi, waxa dhici karta in ay ogolaadan Fuliyaana wax uu amray Siyaasi aan Islaamka dameyneyn. Iska hubi Siyaasiga ku xakumayo ma daneeynaa Islaamka & wixii Islaamku Faray..Waa iga Talo)

6-Sayidinaa Cali Bin Abii Daalib RC ayaa lagu yiri: Ummad maxaa baabiya, waxa uu yiri: Saddax iyo Sadax. Hadii Saqiiradu tagaan booskii waayeelka, Haddii Jaahilku tago Booskii Caalimka, Haddii La hogaamiyihii uu tago Booskii Hogaamiyaha. ( F.S: 6, 7.& 8aad)

(Saddaxdaan uu noo sheegay Sayidinaa Cali Bin Abii Daalib RC, ma ka jiraan Mujtamaceena, Mujtamaca baaba’ ha laga ilaaliyo, waa iga tallo).

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip