Dowladda oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

0
Wednesday September 19, 2018 - 23:03:38 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

    Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in ka badan 12 ka mid ah Al Shabaab in lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Alsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in ka badan 12 ka mid ah Al Shabaab in lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Wasiir Aadan Isaaq Cali ayaa oo la hadlay wakaaladda SONNA sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday xalay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo gaarayay 37.

Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, halka dhaawac culus uu ka soo gaaray Xasan Yacquub oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab, horayna u soo noqday Afhayeenka Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dardar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay Al Shabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip