Britain oo sheegtay inay xaqiijinayso amniga dhibanayasha qowmiyada Rohingya

0
Wednesday September 19, 2018 - 22:23:42 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Britain oo sheegtay inay xaqiijinayso amniga dhibanayasha qowmiyada Rohingya

    Britain ayaa taageero dheerad ah u fidineysa dumarka ay tacaddiyada dhanka galmada ahi u geysteen ciidamada milatariga dalka Myanmar. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Jeremy Hunt, ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagi doona dalkaasi Myanmar,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Britain ayaa taageero dheerad ah u fidineysa dumarka ay tacaddiyada dhanka galmada ahi u geysteen ciidamada milatariga dalka Myanmar. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Jeremy Hunt, ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagi doona dalkaasi Myanmar, waxanaana inta uu halkaasi jooga booqan doonaa gobolka Rakhine ee ciidamada Myanmar ay ka qaxiyeen kumannaanka qof ee ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohinja. Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa hoggaamiyaha dalkaasi, Aung San Suu Kyi, oo in dhawaale la kulmeysay cambaareyn caalami ah sababo la xiriira sida ay uga hadashay tacaddiyada ka dhanka ah dadka Rohinjaha. Jeremy Hunt ayaa sheegay in Britain ay ka go'antahay in ay sameyso wax kasta oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sharafta iyo in ay cadaaladd helaan dhibanayaashii ay xadgudubyada u geysteen milatariga Myanmar.

Hunta ayaas sheegay inay sare u qaadi doonaan taageerada loo fidinayo dumarka oo ay ka mid tahay uruurinta caddeymaha ah in loo galmooday haweenka qaar si cadaaladda loo horkeeno dambiilayaashi ku kacay xadgudubyadaasi.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Britain ayaa labada maalmood ee soo socoda waxa uu booqasho ku tegi doona dalka Myanmar, waxa uuna kulamo la qaadan doona dadka u ololeeya xuquuqul insaanka.

Sidoo kalena waxa uu gaari doonaa deegaanno ka mid ah gobolka Rakhine, halkaasi oo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in laga geystay tacadiyo ka dhan ah aadanaha.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay kufsi ay kooxo burcad ah ka geysteen gobolka, weeraro lagu qaaday caruur iyo burburinta guryo, sidoo kalena dilal baahsan iyada oo dad badan guryahooda si xoog ah looga saaray.

Hunta waxa uu kol hore sii horeysay baarlamaanka u sheegay inuu dhisayo taageero caalami ah oo lagu doonayo in la maxkamadeeyo dambiilayaasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip