Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qoyska marxuumad Deeqo Daahir

0
Wednesday September 19, 2018 - 22:13:41 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qoyska marxuumad Deeqo Daahir

    Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay qoyska Deeqo Daahir oo shalay duhurkii askari ka tirsanaa ciidanka dowlada uu ku dilay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay qoyska Deeqo Daahir oo shalay duhurkii askari ka tirsanaa ciidanka dowlada uu ku dilay magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo 9 jir aheyd islamarkaana dhiganeysay iskuulka Hoyga Xamar ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyada oo hay’adaha ammaanka ay qabteen askarigii dilay gabadhaasi yar.

Narso Daahir oo la dhalatay gabadha la dilay kana mid aheyd qoyska maanta la kulmay madaxweynaha ayaa waxa ay sheegtay in Farmaajo uu si wanaagsan u soo dhaweeyay, sidoo kalena u sheegay inay heli doonaan cadaalad deg deg ah.

Waxa ay sheegtay in ilaa hadda aanan loo balan qaadin magdhaw la siinayo ehelkooda, maadaama askariga dilay gabadha uu ka tirsan yahay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana si xaqdaro ah loo dilay Deeqo Daahir.

"Madaxweynaha wuu na soo dhaweeyay, ninkii wax dilay waala soo xiray, madaxweynaha wuxuu noo balan qaaday in si deg deg ah aan cadaalad u heli doono, hada ma jirto magdhaw na loo balan qaaday, waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed ee arrintan ka dhiidhiyay”. Ayay tiri Nasro Daahir.

Inta badan ma dhacdo in cadaalada la horkeeno ciidanka dilalka bareerka ah u geysta shacabka Soomaaliyeed, balse soo qabashada askariga dilay gabadha ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii shacabka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan dal iyo dibad ay si isku mid ah uga dhiidhiyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip