Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray dowladda iyo Hirshabeelle

0
Wednesday September 19, 2018 - 22:04:06 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray dowladda iyo Hirshabeelle

    Qoraal ka soo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa waxa ay ku sheegeen inay si buuxda u garawsan yihiin in dowlad goboleedka Hirshabeelle uu u madax banaan yahay ka tashiga iyo go'an ka gaaridda masiirka dowladeed iyo m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ka soo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa waxa ay ku sheegeen inay si buuxda u garawsan yihiin in dowlad goboleedka Hirshabeelle uu u madax banaan yahay ka tashiga iyo go'an ka gaaridda masiirka dowladeed iyo mid umadeedba.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii maanta madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu sheegay in dowladda federaalka iyo Hirshabeelle ay iska afgarteen tabashadii ay qabeen madaxda Hirshabeelle.

Golaha ayaa wuxuu sheegay is af-garan-waaga ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu yahay mid guud oo ku saabsan qadiyado waa weyn oo la xiriira amniga, federaaleynta, hirgelinta dastuurka iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada heshiiska ay gaareen dowladda dhexe iyo Hirshabeelle inaanu khuseyn golaha maadaama qadiyadaha muranka uu ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin kuwa heer qaran ah oo lagama maar maan ay tahay in xal wadareed wada hadal ku yimid lagu dhameeyo

.

Heshiiska Hirshabeelle ay la gashay dowladda dhexe ayuu goluhu sheegay inuusan waxba ka bedeli doonin mowqifkii iyo go’aamadii golaha ee ku qeexnaa war-murtiyeedka shirkii Kismaayo ee la soo gaba gabeeyay 14-kii bishan.

Ugu dambeyntii GIDG ayaa wuxuu madaxda sare ee dowladda federaalka ugu baaqay markale in si dhab ah oo waayeelnimo leh ugu soo jeestaan xalinta qadiyadaha taagan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay GIDG:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip