Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray xarunta tababarada Gen. Gordan (SAWIRRO)

0
Wednesday September 19, 2018 - 21:54:51 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray xarunta tababarada Gen. Gordan (SAWIRRO)

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somaliya Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Marwo Aamina Siciid ayaa Kormeer ku tagay xarunta tababarada General Gordan ee Muqdisho taas oo hore Gacanta ay ugu he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somaliya Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Marwo Aamina Siciid ayaa Kormeer ku tagay xarunta tababarada General Gordan ee Muqdisho taas oo hore Gacanta ay ugu heysay Dowladda Imaaraadka Carabta balse ay la wareegtay Dowladda Somaliya.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Guutada 14 Octoobar ee degan Xaruntaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Somaliya ayaa Saraakiisha u sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ciidammada u heli lahaayeen tababaro iyo Qalab Casri ah, iyadoo ku guuleysatay inay daboosho hawlihii Imaaraadka ka waday xaruntaasi, waana balanqaad uu hore u sameeyay Madaxweynaha Somaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa Xustay in Madaxtooyadu ay kala shaqeyn doonto Taliska Xaruntaas bilicda iyo qalabeynta Xarunta.

Ciidammada 14-ka Octobar ayaa deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose waxay kala wareegeen Al Shabaab, iyagoo burburiyay saldhigyo ay kaas oo abaabuli jireen Al Shabaab weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip