ONLF oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuleyn goonni isu taagga

0
Wednesday September 19, 2018 - 21:40:46 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ONLF oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuleyn goonni isu taagga

    C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni isu taagto, kadib markii shalay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea uu ka qabsoomay wada hadal ay yeeshee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni isu taagto, kadib markii shalay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea uu ka qabsoomay wada hadal ay yeesheen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF. Afhayeenka ONLF oo la hadlay BBC-da ayaa yiri "Heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda in ururka ONLF uu marnaba ka tanaasuleyn hadafkii aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay, in aaya ka talintu uu shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo Kuwa caalamigaba wey qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn".

Wuxuu sheegay afhayeenka ONLF waxayaabaha Itoobiya ay u gudbyen ajanda ahaan oo ay ka wada hadli doonaan iney ka mid tahay aaya ka talinta oo ay wada hadalka ku jirto.

Wada hadalka balaaran ee maalmaha soo socda billaambi doona qodobada looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah, in la isku soo horfariisto wada hadallo ay Itoobiya iyo ONLF ay daacad ka yihiin, dhibaatooyinka shacabkaasi la gaarsiiyey iyo magdhawga ay leeyihiin iyo arrimaha ciidmada ee labada dhinac

Ururka ONLF iyo ururo kale oo hubaysan oo dawladda Itoobiya dagaal kula jiray ayaa laga saaray liiskii argagixisanimada ee muddada dheer ay ugu jireen xukuumadda Ethiopia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip