Duqeyn lagu dilay Carruur oo ka dhacday Jubbada dhexe

0
Wednesday September 19, 2018 - 21:27:20 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn lagu dilay Carruur oo ka dhacday Jubbada dhexe

    Sidda ay sheegeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmada Saakoow ee gobolka Dhexe duqeyn culus ayaa xalay Saqdii dhexe ka dhacday xarumo ku yaalla degmada Saakoow. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in diyaarado dagaal ay Gantaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda ay sheegeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmada Saakoow ee gobolka Dhexe duqeyn culus ayaa xalay Saqdii dhexe ka dhacday xarumo ku yaalla degmada Saakoow. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in diyaarado dagaal ay Gantaallo ku dhufteen Isbitaalka degmada iyo sidoo kale xarun Carruurta lagu xanaaneeyo oo ku taalla degmada.

Inta la xaqiijiyay Saddex Caruur ah ayaa ku dhimatay, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo sidda ay sheegeen Shabaab oo Magaaladaasi maamula.

Burbur ayaa soo gaaray Isbitaalka Saakoow, laakiin ma jiraan waxyeelo soo gaartay Bukaanadii ku jiray Isbitaalka.

Lama ogga dalalka laga leeyahay diyaaradaha xalay duqeeyay Saakow, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika oo inta badan fuliya weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip