Turkiga oo loogu deeqay diyaaradda ugu qaalisan dunida

0
Wednesday September 19, 2018 - 09:56:57 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo loogu deeqay diyaaradda ugu qaalisan dunida

    Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in amiirka Qatar uu dalkiisa ugu deeqay diyaarad qiimaheedu lagu sheegay 500 milyan oo doolar. Waxaa uu sheegay in tilaabadaan ay qeyb ka tahay iskaashiga iyo horumarinta dhaqaallaha labadda d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in amiirka Qatar uu dalkiisa ugu deeqay diyaarad qiimaheedu lagu sheegay 500 milyan oo doolar. Waxaa uu sheegay in tilaabadaan ay qeyb ka tahay iskaashiga iyo horumarinta dhaqaallaha labadda dal, oo xiriirkooda wanaagsanaa bilihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada mucaaradka Turkiga ayaa dhawaan walaac ka muujiyay in madaxweynaha uu doonayay in lacagaha dadweynaha uu u isticmaalo inuu diyaarad kusoo iibiyo taasina ay dalka qalalaase dhaqaale uu horseedi karto.

Erdogan wuxuu sheegay in amiir Sheikh Tamiim Al Thani uu dalka Turkiga ugu deeqay diyaaradda Boeing 747-8i kaddib markii uu maqlay in Turkiga uu danaynaya diyaraaddaasi isla markaasna uu ka tala jiray inuu soo iibsado.

Diyaaraddan ayaa lagu tilmaamaa diyaaradda khaaska ah ee ugu wayn ugu qaalisan adduunka.

Dowladda Turkiga ayaa garab istaagtay dalka Qatar kaddib markii ay go’doomiyeen qaar kamid ah dalalka carabta,wuxuuna raashin u diray dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip