Dowlad Goboleedyada Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Madaxda Galmudug (Warsaxaafadeed)
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedka Dalka ka jira ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed iyo tan amniga iyo khilaafka ka dhex jira Madaxda ugu sareeysa Maamulka Galmudug.
Waxaa ay sheegeen Golaha in si dhow ay ula socdaan arrintaas,isla markaana ay ka walaacsan yihiin Xaalada siyaasadeed ee Galmudug.
Sidoo kale warka soo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedka Dalka ayaa waxa ay si kulul ugu Cambaareeyeen afdhuub dagaalayamaasha Al Shabaab ay u geesteen Odayaasha Deegaanka Galmudug,waxaana ay ku baaqeen Golaha in muhiimada koowaad la siiyo sidii loo soo samatabixin lahaa Odayaasha,meelna looga soo wada jeesto Al Shabaab.
Dowlad Goboleedyada Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Madaxda Galmudug (Warsaxaafadeed)
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedka Dalka ka jira ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed iyo tan amniga iyo khilaafka ka dhex jira Madaxda ugu sareeysa Maamulka Galmudug. Waxaa ay sheegeen Golaha in si dhow ay ula