Maamulka G/Banaadir oo go'aamiyey xiliga la qabanayo cayaarta Waaberi iyo Shibis

0
Tuesday September 18, 2018 - 20:26:23 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo go'aamiyey xiliga la qabanayo cayaarta Waaberi iyo Shibis

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda Cayaaraha heer Gobol iyo heer Qaran. Kulanka ayaa waxaa lagu go'aamiyey in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qabto dhammaadka tartanka dhexmari doona degmooyinka Shibis iyo Waaberi oo iyagu isugu soo haray dhammaadka cayaarta.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay qabsoomidda xili habeen ah tartanka cayaaraha Gobolka Banaadir ay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey koobka u qaaday sanadkii hore.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip