Degmada Shibis oo u soo baxday fiinaalka tartanka degmooyinka 2018+Sawirro

0
Tuesday September 18, 2018 - 20:07:22 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Shibis oo u soo baxday fiinaalka tartanka degmooyinka 2018+Sawirro

    Degmada Shibis ayaa iska xaadirisay fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay degmada Shangaani. Labada degmo oo garoonka Banaadir ku yeeshay kulanki labaad ee afar-dhamaadka tartank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Shibis ayaa iska xaadirisay fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay degmada Shangaani. Labada degmo oo garoonka Banaadir ku yeeshay kulanki labaad ee afar-dhamaadka tartanka ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta isku mari waayay barbaro goolal la'aan ah waxaana loo dhigay gool-kulaad. Shangaani oo tuurashada ku horaysay ayaa qaladay tuurashadeedi saddaxaad, waxaana ka qasaariyay Cabdimaalik Cumar Cabdi oo laf –dhabar u ahaa in ay shangaani heerkan soo gaarto.

Shibis oo ay gool-kulaadyada u tureen shanti laacib ee kulanki wareegga ee ay Wdajir kaga adkaadeen ayaa ka faa’iidaystay fursadeeda, waxayna 5-4 ugu gudubtay fiinaalka tartanka.

Shibis ayaa fiinaalka tartanka waxay Arbacada habeenka ay khamiiska soo galeyso la qaadan doontaa degmada Waaberi oo tartanka daafacanaysa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip