HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 18-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Tuesday September 18, 2018 - 08:59:03 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 18-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNAYAASHA JABUUTI IYO ERITREA OO KU KULMAY MAGAALADA JEDDAH Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa sanado kadib markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAYAASHA JABUUTI IYO ERITREA OO KU KULMAY MAGAALADA JEDDAH Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa sanado kadib markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Kulankan oo xalay ka dhacay Jeddah ayaa daba socda kulamo ay ku martiqaaday boqortooyada Sucuudi Carabiya inay ku dhexdhexaadiso wadamada geeska Afrika ee khilaafka uu sanado badan u dhexeeyay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel alJubair ayaa goobjoog ka ahaa kulansiinta labada Madaxweyne, isagoo sidoo kale kulansiiyay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Labada dal ayaa dib u soo celinaya xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay, iyadoo laga heshiinayo colaadii soo jiitameysay ee muranka xuduuda labada dal.

 

Itoobiya iyo Eritrea ayaa shalay heshiis taariiqi ah ku kala saxiixday dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaana la filayaa in marka uu dhamaado kulamada ay yeelanayaan Madaxda Jabuuti iyo Eritrea ay heshiis kala saxiixdaan.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa ka shaqeysay kulansiinta Labada Madaxweyne ee deriska ah, waxaana Boqortooyada Sucuudi ay door weyn ka qaadatay inay soo afjarto colaad u dhaxeysay dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa khilaafkooda waxa uu salka ku hayay iska horimaad ku dhex maray xadka kala qeybiya labada dal bishii June 2008dii, iyadoo dowlada Jabuuti xilligaas ku eedeysay dalka deriska la ah ee Eritrea inay ka soo gudubtay xadkii kala qeybinayay labada dal.

YARIISOW OO FARRIIN U DIRAY MADAXDA MAAMUL GOBOLEDYADA

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow, ayaa farriin u diray madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, xilli Khilaaf adag uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inuu ugu baaqaayo madaxda Maamul Goboledyada inay aqbalaan baaqii Madaxweynaha Somaliya ee ahaa inay ka qayb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Xilligii Madaxweynaha uu ku baaqay Shirka inuu qabsoomo ayaa shalay ah, sida muuqatana dib u dhac ayaa ku yimid shirkaasi.

Duqa Muqdisho oo ka hadlaayay xaflad habeen hore ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay tabashada iyo Khilaafaadka jira in si hoose lagu xaliyo.

"Waxaan rajeynayaa saxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho.”Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa si wayn ugu adkeystay diidmada ah inaysan ka qaybgalin Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

WASIIR MAAREEYE OO DAR DAR GALIYAY HOWLAHA WASAARADDA GANACSIGA

Wasiirka Wasaaradda Ganaciga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mudadii 6da Bilood ee uu xilka Wasaaraddaasi hayay xooga saaray xoojinta dhoofinta waxsoosaarka Soomaaliya,.

YARIISOW Waxaana Wasaaraddiia ay horumarinay helista suuqyo cusub, kor u qaadista tayada iyo muuqaalka Badeecadaha la dhoofinayo, iyo siinta sharciyad iyo Shahaado la aqoonsan yahay "Made in Somalia” iyo wixii la mid ah si la isu dheelitiro dakhliga Ganacsiga (Trade Deficit) inagala dhexeeya Wadamada aynu la Ganacsano oo Soomaaliya khasaaro ku jirto.

Tallaabooyinkaan ayaa kaalin Muhiim ah ka qaadanaya wax soo saarka dalka in la dar dar galiyo islamarkaana sare u kac uu sameeyo dhqaalaha dalka.

QM OO KA HADASHAY HESHIISKA AY WADA GAAREEN ETHIOPIA IYO ERITREA

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah.

António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar shir jaraa”id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay.

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia iyo Ereteria ayaa qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka aheyd Dowladda Sacuudiga,halkaana ku soo afjarmay colaad muddo 20ka Sano u dhaxeyay Ereteriya iyo Ethiopia khilaafkaasi oo xuduuda la xiriiray.

WIIL UU DHALAY MADAXWEYNE OO XABSIGA LA DHIGAY

Masuuliyiin dalka Brazil ayaa gacanta ku dhigtay 16 milyan oo doolarka Maraykanka ah iyo saacado qaali ah oo ay wateen ergo la socotay wiil uu dhalay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Teodorin Obiang oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea isla markaasna ah wiil uu dhalay madaxweynaha wakhtiga dheer ka arrimiya dalkaas ayaa ku safray diyaarad khaas ah Jimcihii, sida ay wararku sheegayaan.

Lacagta iyo saacadaha ayaa la sheegay in laga helay boorsooyinka ergada oo ka dagay garoonka Viracopos International Airport ee magaalada Sao Paulo.

Booliiska ayaa lacag 1.5 milyan oo doolar ku dhaw ka helay boorso mid kalana ka helay saacado lagu qiimeeyay 15 milyan oo doolar, sida uu bartiisa internetka ku qoray wargeyska O Estado de Sao Paulo oo ah mid aad loo ixtiraamo.

Dublamaasiyiin Equatorial Guinea u dhashay ayuuna ka soo xigtay in lacagtaas loo adeegsan lahaa in Obiang uu iskaga daweeyo magaalada Sao Paulo.

Saacadahaas ayaa la sheegay in uu isagu "shaqsiyan u isticmaalo” sida warbixintaas lagu sheegay.

Sannadkii hore ayay maxkamad Faransiiska ku taalla Obiang ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah oo uu mudan doono haddii uu dambi kale galo, maxkamadda ayaana xukunkaas ridday isaga oo maqan.

Hantidiisa ayaa la fariisin doonaa oo ay ka mid tahay guri uu ku leeyahay magaalada Paris, sidoo kalana waxaa lagu xukumay 35 milyan oo doolar oo ganaax ah oo laga qaadi doono haddii uu dambi kale galo.

Telefeshinka Globo oo ah midka ugu afdheer dalka Brazil ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka oo kali ah uu yahay qofka xasaanadda dublamaasi leh maadaama oo dadka la socday aysan Brazil ku tagin safar rasmi ah.

Marka la fiiriyo qaanuunka dalka Brazil waa sharci darro in qof uu dalkaas la galo wax ka badan $2,400 oo caddaan ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Obiang ama dawladda Equatorial Guinea.

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GAARAY MAGAALADA JEDDAH (SUCUUDIGA OO DHEX DHEXAADINAYA ERITREA IYO JABUUTI)

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Safarka Madaxweynaha Jabuuti ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaasoo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres.

Madaxweyne Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sucuudiga, iyagoo ka wada hadlay arrimaha xiriirka labada dal, nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Sucuudiga ayaa door weyn ku lahaa dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta dalalka Gobolka, sida Itoobiya iyo Eritrea, iyo sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada Jeddah.

DUQII HORE EE MUQDISHO OO KU BAAQAY IN LOO DIYAAR GAROOBO XUSUUSTA MAALINTA 14 OCTOBER

Maalmo tirsan ayaa ka haray 14ka October, oo ah maalin uu xasuusan yahay qof walba oo Soomaali ah. Waa maalintii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya waxaana laga joogaa sanad maalmo dhiman.

Dadbadan ayaan wali ka samrin dadkii ay ku waayeen isgoyska Zoobe, kuwaas oo badi aan la arag, waxaana bulshada Soomaaliyeed isu soo bax balaaran iyo xasuus weyn ugu baaqay duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed.

Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu ku xasuusiyay Dowlada iyo shacabkaba in aan loo kala harin xasuusta loo sameynaayo dadkii 14kii October lagu laayay Soomaaliya.

Thabit ayaa ku tilmaamay maalin ay dhacday Musiibo Qaran, oo looga jawaabay Gurmad Qaran ayna ka dhalatay Midnimo Qaran.

Farriinta Duqii hore ee Muqdisho uu ku qoray bartiisa Facebook

14kaOctober, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsandoontaa. 14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, aafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan.

Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober.

WAABERI OO SANADKI AFARAAD OO XIRIIR AH USOO BAXDAY FIINAALAHA TARTANKA KUBADDA CAGTA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR..

Degmada Waaberi ayaa marki afarad oo xiriir ah xaqiijisay in ay us-oo baxdo fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib ay 1-0 uga adkaatay degmada Hodon.

Hodon ayaa garoonka soo gashay iyadoo baahi wayn u qabta in ay ka aarsato degmada Waaberi oo sanadki hore fiinaalaha tartanka ku garaacday isla markaana marki lab-aad oo xiriir ah beegsata fiinaalaha ta-rtanka, halka Waaberi ay ay halgeedu uu ahaa in ay taariikh u samayso tar-tanka kubadda cagta degmooyinka si ay sanadki 4-aad oo xiriir ah ugu soo baxdo fiinaalaha tartanka.

Taageerayaasha labada deg-mo oo ay wehliyaan masuuliyiintooda ayaa degmada soo camiray waxayna aad uga duwaynayd dhamaan kulam-adii wareegga 8-da oo uu garoonka faaruq ahaa, waxaana kadib bandhig ciyaareed aad loola dhacay ay qaybta hore kusoo idlaatay 0-0.

Marki laysku soo laabtay ayay sidoo kale labada koox soo bandigeen ciyaar isu dhigantayheerka weerar iyo kubad qaybsiga waxaana daqii-qadi 68 goolka qura ee ciyaarta degmada Waaberi u saxiixay laacibka No-19 Abuubakar Axmed Cosoble.

Waa beri ayaa horay fiinaalka tartanka uga soo muuqatay 2014 oo ay guuldaro 2-0 kala kulantay Xamar-wayne , 2015markale ay guuldaro kala kulantay markii ay Boondheere 1-0 ku garaacday iyo 2017 oo ay Hodon 3-1 kaga qaaday.

Waaberi ayaa fiinaalka tarta-nka la ciyaari doonta degmooyinka Shibis iyo Shangaani shalay ball-ansan degmada Sii baxda.

 

 

QM OO KA HADASHAY HESHIISKA AY WADA GAAREEN ETHIOPIA IYO ERITREA

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah.

António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar shir jaraa”id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay.

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia iyo Ereteria ayaa qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka aheyd Dowladda Sacuudiga,halkaana ku soo afjarmay colaad muddo 20ka Sano u dhaxeyay Ereteriya iyo Ethiopia khilaafkaasi oo xuduuda la xiriiray.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE: DALKA OO DHAN WAA IN SI ISXILQAAN LAGU DHISAA..

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka isxilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka isxilqaan si dib loogu dhiso dalka oo dhan, danaha qarankana si wadajir ah looga shaqeeyo.

"Waa in isxilqaan lagu dhisaa dalka oo dhan, shacabka oo dhanna ay ka qayb qaataan, waa in ay ka qayb qaataan madaxda qaranku oo ay isxilqaan dalka ku dhisaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha XFS.

"Waxaa Muuqda horumar wayn oo ay ku tillaabsadeen shacabka Soomaaliyeed maadaama ay billaabeen in dalkooda ay dib u dhisaan iyaga oo isticmaalaya halkudhigga "Isxilqaan”, ayuu sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkii golaha wasiirrada ee lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu ansixyay barnaaminka isxilqaan oo lagu dhisayo guud ahaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

XILDHIBAAN CAASHO KOOS” CIIDAMADA DOWLADDA WAAN KA CABSANAA, MANA TUSNO AQOONSIYADEENNA”

Xildhibaan Caasho koos oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay aad uga hadashay xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho,iyada oo hay’adaha amniga dhaliil u jeedisay.

Waxa ay sheegtay in wadanka ay ka jirto marxalad amni oo aad u daran,isla markaana waajib ay tahay qof walba oo soomaali ah in uu ka Shaqeeyo,sidoo kalena loo baahan yahay in qof walba uu gurigiisa ka bilaabo.

Iyada sii hadleysay ayey sheegtay in Shalay Xildhibaanada loo baaray si ka duwan sidii hore xilligii ay ku wajahnaayeen Xarunta Golaha Shacbaka Soomaaliya,balse ay isku qancisay dhaawwiii dhawaan loo geystay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

"Mudane Guddoomiye anagu markaan soo marno dariiqyada ciidankii qaranka soomaaliyeed waan ka cararnaa habeen hadii ay tahay matusno Aqoonsigeena,hooyo soomaaliyeed waaye ayaan Wadada ku soo marnaa.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqday in mas’uuliyiinta Hay’adaha amniga loo yeero si baarlamaanka Soomaaliya ay wax uga weydiiyaan.

MASUUL XALAY LOO GEYSTAY DIL LOO ADEEGSADAY TOORREEY

Nin ku hubeysnaa toorey (Mindi) ayaa waxa uu Deegaanka Qori Lugud ee Soomaaliland ku dilay Isuduwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.

Isu duwaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Eng.Axmed Cawil Daryeel,kaasi oo la sheegay in uu dilay nin watay Mindi,isla markaana uu goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xiliga dilka uu dhacayay Eng.Axmed Cawil uu ku sugnaa Dhul ku yaalla Deegaanka Qori Lugud halkaasi oo uu ka waday howlo Shaqo.

Waxaa la sheegay in Ninka ka dambeeyay dilka Eng.Axmed Cawil Daryeel uu ku dacwoonayo in Engka uu ku soo sikiyay dhul uu qodayay,isla markaana uu khilaaf soo kala dhexgalay,sidaasna uu dilku ku dhacay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Soomaaliland oo kun aadan dilka loo geystay Isu duwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.

NUXURKA HADALLADII XASAASIGA AHAA EE XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA

Kulankii Baarlamaanka federalka Soomaaliya ee shalay oo looga hadlay dhinaca Amniga ayaa Xildhibaanadii hadalada ka jeediyey waxa ay dhammaan walaac ka muujiyeen xaalada Amni ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sugida Amniga Xarunta Golaha Shacabka ay sababtay in la keeno Eeyaha waxbaara,kuwaas oo baaritaano wada.

Sidoo kale mudanayaashii Shalay ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ganey,waxana uu yiri.

"Dowladda dalka mamaamusha ee AlShabaab ayaa maamula,waayo waxaa cadeyn u ah,iyaga ayaa canshuur ka qaada dadka,dadkuna dhinaca garsoorka ayay u doontaan,iyaga oo u aada tooratoorow.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa isna dhankiisa waxa uu soo hadal qaaday dhinaca mushaaraadka Ciidanka,waxana uu sheegay in Xildhibaanada miisaaniyada soo socota ay lacag fiican u ansixiyaan maadaama aysan ku filneyn Boqol dollar.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle”Dowladdu Shaqadeeda way gabtay waayo halkii looga baahnaa in ay AlShabaab weerarto anaga ayay weerar nagu tahay taasina ma ahan mid sax ah.

Mudanayaashii kulanka Baarlamaanka dhamaantood ka hadlay ayaa waxa ay siweyn u falan qeeyeen Amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana Xildhibaan Caasho koos ay sheegtay inaysan kalsooni ku qabin ciidamada dowladda kana baqdo.

Geba gabadii Xildhibaan Warsame Joodax ayaa sheegay in loo baahan yahay in amniga dalka kala xisaabtamaan dhinacyada qaabilsan Amniga si dalka uu u hagaago.

AJAANIIB U DHASHAY IRAN OO GACANTA UGU JIRA AL SHABAAB

Mid ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Iran ayaa sheegay in Al Shabaab ay Afduub ahaan u heystaan illaa 14 Qof oo ka soo jeeda dalkaasi, kuwaasi oo ay ka Afduubteen Xeebaha Soomaaliya.

Xildhibaankani oo lagu magicaabo Cabdul Qafur Iranejad ayaa sheeegay in Xeebaha Soomaaliya lagu Afduubtay 18 Kalluumeysato Iraaniyiin ah, kuwaasi oo 4 ka mid ah laga siidaayay Burcadbadeeda Soomaalida, halka 14 kalena ay gacanta ugu jiraan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Iran iyo hay’adda Sirdoonka dalkaasi ay wadaan dadaallo lagu soo samata bixinayo Kalluumeysatadaasi.

ITOOBIYA OO QASKA IYO RABSHADUHU AY KU SII BAAHAYAAN

Waddanka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 70 qabiil oo kala dhaqan iyo af ah, waxa sanooyin badan ka jiray wada noolaansho ay qabaa'ilkaas ku wada noolaayeen waddankaas ka wada dhaxeeyey.

Hase yeeshee muddadii sannadka ahayd ee u dambaysay ayey arrintu si la yaab leh isu beddeshay.

Kacdoonno rabshado watay ayaa dalka ka dhacayey, kuwaasoo u badnaa deegaannada ay degto qowmiyadda ugu tirada badan oo ah Orommada.

Taasi waxay keentay in uu is casilo ra'iisul wasaarihii dalka ee xilligaas Hailemariam Desaleng, waxaana isla markiiba xisbiga talada haya uu ra'iisul wasaare u magacaabay Abiy Axmed oo loo arkayey in uu yahay nin ay Orommadu ku degi doonto magacaabistiisa.

Itoobiya: Rabshadaha dhacaya waxay ka tarjumayaan xaaladda dalku uu ku sugan yahay

Khilaafka Soomaalida iyo Oromada oo baarlamaanka Itoobiya saameeyay

Magacaabistii Abiy Axmed

Xaaladdu waxay sii darsatay wixii ka dambeeyey magacaabistii Abiy Axmed.

Qalalaase ka dhacay bishii hore gobolka Soomaalida, ayaa waxaa aakhiritaankii xukunka ka degay madaxweynihii dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana maalmo ka dib lagu xiray magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ilaa hadda ku xiran yahay.

Rabshado qabiil ku salaysan ayaa meelo kala duwan ku dhex maray Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo la aaminsanaa in aysan dhici doonin mar haddii uu Cabdi meesha ka baxay, ra'iisul wasaaraha Itoobiyana yahay nin Orommo ah.

Dad badan waxay u haysteen in Abiy Axmed uu qabiilkiisa dejin doono.

Qaraxii ka dhacay Addis Ababa todobaadyo ka dib markii uu xukunka qabtay Abiy.

Maxay dhibaatooyinka u soo noqnoqonayaan mar haddii uu nin orommo ah xukunka hayo?

C/qaadir Sheekh bashiir waa nin aad ugu dhuun daloola taariikhda Itoobiya iyo arrimaha hadda ka socda.

"Arrintan waxay salka ku haysaa dhallinyarada Orommada ee lagu magacaabo Qeerroo. Markii hore Orommadu isku hadaf ma ahayn, wayna kala qaybqaybsanaayeen, dawladihii horena kala qaybsanaantooda ayey ka faa'iidaysteen. Xisbiga Orommada ee la bahda ah EPRDF ayaa waxaa soo galay dhallinyaro Orommo ah oo firfircoon oo wax walba ka hormarinaya danta Orommada, ka dibna waxay siyaasad ahaan iyo mabda' ahaanba u mideeyeen dhallinyaradan" ayuu yiri C/qaadir.

Wuxuu intaa ku daray in la abuuray dallad ay dhallinyaradaas hoos tagaan, "taasoo hal shakhsi ka amar qaadata, taasina waxay noqotay kacdoonkii dhallinyarada inuu noqdo min gees ilaa gees mid isku xiran oo abaabulan".

Wuxuu intaa ku daray in aqoonyahannadii caqligaas keenay ee hogaaminayey in Orommadu isku xirnaan yeelato ay ahaayeen Lemma Megersa oo ah madaxweynaha dawlad deegaanka Oromia, iyo Abiy Axmed oo hadda ah ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

"Lakinse waxay ahayd mar haddii Abiy Axmed xilka uu qabtay, in dhallinyaradaas la dejiyo. Bacdamaa ay ahaayeen dhallinyaro fara badan oo hal shakhsi ka amar qaata (Jawar Maxamed)" ayuu yiri C/qaadir.

Wuxuu intaa ku daray in dhallinyaradaas si loo kiciyo loo sameeyey cadaw been abuur ah, ayadoo "shucuubta kale ee Itoobiya loo tusay in ay lid ku yihiin".

Natiijadii ka dhalatay ayuu sheegay C/qaadir in ay noqotay mid la xakamayn waayey oo keentay in deegaanno badan dad lagu laayo, goobo lagu cibaadaysto la gubo, warshado ay ku jirto mid uu lahaa Aliko Dangote (ninka Afrika ugu taajirsan) in la burburiyo.

"Maadaama aysan jirin cid falalkaas loo soo qabtay, ururka Qeerroona ay aaminsan yihiin in Abiy Axmed ay iyagu meesha keeneen, ma muuqdo qorshe istaraatijiyadeed oo mustaqbalka dhallinyaradaas lagu dajiyo, shaqo abuurna loogu sameeyo, taasina waxay keeneysaa in rashaduhu ay sii socdaan" ayuu Yiri C/qaadir Sheekh Bashiir.

Jawar Maxamed waxaa la aaminsan yahay inuu kaalin weyn ku leeyahay hogaanka Qeerroo

Orommada iyo Amxaarada

Rabshadihii u dambeeyey waxay Magaalada Addis Ababa gudaheeda iyo duleedkeeda ku dhex mareen ururka Qeerroo iyo urur la yiraahdo Fana oo ay leeyihiin dhallinyarada qabiilka Amxaarada. Haddaba ilaa iyo intee buu sii socon karaa isku dhacooda?

"Amxaarada waxaa lagu yaqaannaa isla weyni iyo kibir, Orommaduna waxay isu arkaan dad la yasi jiray oo la soo gumaystay oo hadda madaxa kor u soo qaaday, markii horena heshiis ayey ku ahaayeen si aan fiicnayn. Haddaba waxay u eg tahay in mushkiladda dhex taalla ay muddo sii socon doonto.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in uu wax ka qaban doono rabshado ka dhacay Ashawa Meda oo ah deegaan Oromadau degto oo ku yaalla galbeedka Addis Ababa, halkaasoo la sheegayo in lagu bartilmaameedsaday dad Amxaarada ka so jeeda.

C/qaadir wuxuu aaminsan yahay in kolonyo wadday Daa'uud Ibsa, hogaamiyaha jabhadda Orommada ee OLF, loo diiday in ay galaan Burayu oo ah halka ay ku taallo Ashawa Meda, "laakin dawladdii ayey u muuqataa in aysan ka go'nayn in arrinta labadan koox xal laga gaaro, ama haddii uu Daa'uud dhibku yahay laga joojiyo safarkaas" ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in arrintaas la sii ogaa in ay tahay mid ka caraysiin karta Amxaarada, "waayo dhallinyaro badan oo Orommo ah ayaa baabuur lagu soo daad gureeyey, kuwaasoo calanka Orommada meel kasta ka taagay, waxaana ognahay in magaalada Addis Ababa ay 60% dadka deggan u badan yihiin qabiilka Amxaarada, halka ay hareeraha magaaladana deggan yihiin Orommada"ayuu yiri C/qaadir.

Saamaynta rabshadaha ee mustaqbalka

Inkastoo uu Abiy Axmed wax badan ka qabtay xiriirka gobolka, gaar ahaan cilaaqaadka Itoobiya ay la leedahay dalalka deriska la ah, misna C/qaadir Sh. Bashiir wuxuu aaminsan yahay in marka hore looga fadhiyey ra'iisul wasaaraha inuu wax badan ka qabto arrimaha gudaha.

"Caqabadaha gudaha ka jira ayey ahayd in wax laga qabto sida Soomaalida iyo Orommada, Tigreega iyo Amxaarada, shucuubta koofureed iyo Orommada, intii uu dibadda ku sii jeeday dalkii ayaa ku sii dhow inuu kala daato. Sidaa darteed haddii odayaasha iyo cuqaasha iyo waxgaradka aan laga qayb galin xalka, waddanka Itoobiya khatar ayuu ku jiraa" ayuu yiri C/qaadir.

Inta la ogyahay dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay weerarradii ay dhallinyarada Orormmadu ku qaadeen duleedka caasimadda. Ilaa 200 dad gaaraya ayaa markii ugu horraysay loo xirxiray rabshadaha Itoobiya, laakinse ma cadda in taasi ay joojin doonto rabshadahaas sii darsanaya.

SALAAD CALI JEELLE OO EEDEYN U JEEDIYAY MAAMUL GOBOLEEDYADA

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay khilaafka haatan u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Salaad Cali Jeelle ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday arrimaha guddiga amniga Qaranka, gaar ahaan xubnaha la rabo in ay ka soo muuqdaan oo uu sheegay in ay yihiin Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirada Amniga, Gaashaandgigga iyo taliyeyaasha Ciidamada, balse waxa uu xusay in markii hore ay khalad aheyd in madaxda maamul goboleedyada lagu daro guddigaasi.

Sidoo kale Siyaasigan ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada in ay maja xaabinayaan horumarka dalka, iyaga oo fiirsanaya danahooda gaarka ah.

Ugu dambeyn waxa uu shaaca ka qaaday in shirkii dhawaan ka dhacay Kismaayo uu ahaa mid baadil ah, islamarkaana looga soo horjeeday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA DONALD TRUMP AYAA DHIMAY TIRADA QAXOOTIGA EE DALKIISU QAABILAYO

Maraykanka ayaa sheegay in uu dhimayo tirada qaxootiga ee uu dalkiisa u ogolaanayo sannadka dambe, isaga oo ka dhigaya 30,000 oo ah ku dhawaad meeshii ugu hoosaysay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaddiday tirada qaxootiga la qaabiliyo sannadka 2018 isaga oo qoondeeyay 45,000, sannadkii ka horreeyayna 50,000.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa ku dhawaaqay "xaddidaadan cusub ee qaxootiga" wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku uu borosees marin doono in kabadan 280,000 oo magangalyo doon ah sannadka 2019.

Dhimitaanka qaxootiga ayaa ah midkii ugu hooseeyayn tan iyo bishii sagaalaad ee sannadkii 2011kii, markaas oo 27,131 oo qaxooti ah loo ogolaaday in ay Maraykanka galaan 2002dii.

Tobankii sano ee la soo dhaafay tirada qaxootiga ee Maraykanka loo ogolaaday ayaa is badbadalaysay sannadkii 2007 ayaa ugu tiro yaraa oo ay dalkaas galeen 48,282 oo qaxooti ah, waxaana ugu qaxooti badnaa sannadkii 2016 oo ay galeen 84,995 oo qaxooti ah.

Barnaamijka qaxootiga ee Maraykanka ayaa la sameeyay sannadkii 1980kii.

Tirada uu hadda shaaciyay madaxweynaha Maraykanka ayaa noqonaysa middii ugu hoosaysay ee uu qoondeeyo madaxweyne Maraykan ah tan iyo markii barnaamijkaas la billaabay, sida uu Isniintii ku warramay wargayska New York Times.

BOGGA CAYAARAHA

TABABARAHA REAL OO KA FEKERKIISA KU SAABSAN INUU ZIDANE KUSOO LAABTO XIRFADA MACALINIMO

Julen Lopetegui waa shaqsiga macalinka reer France ee Zinedine Zidane kala wareegay taliska Real Madrid.

Zidane oo iska casilay shaqadda Los Blancos bishii May ee sandkaan ayaa cadeeyay dhowaan inuu dib ugu soo laabanayo xirfadiisa.

Warkaasi wuxuu uroon yahay dhagaha jamaahiirta Manchester United, maadaama la hadalhayo inuu bedalayo Jose Mourinho.

Maamulaha Madrid ayaa sheekada xasaasiyad usii yeelay markii uu ka dhawaajiyey inuu go’aankiisi yahay mid lagu farxo.

"Qof walba waa uu ku farxayaa marka macalimiin wanaagsan ay kusoo laabtaan xirfadda tababarnimo,” ayuu yiri.

"Laakiin, kaasi wuxuu yahay go’aan shaqsiyadeed oo horyaala Zidane,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay maamulaha naadiga Real Madrid, ninka lagu magacaabo Julen Lopetegui.

MACALINKA CHELSEA OO FARTA KU FIIQAY LABADDA KOOX EE KA DHEESHA EE KA FIICAN KOOXDIISA

Maurizio Sarri ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay tahay awoodda saddexaad ee haatan ka jirta Premier League.

Chelsea ayaa haatan kaalinta labaad kaga jirta shaxda kala horeynta EPL-ka, inkasta oo ay isku dhibco yihiin Liverpool.

Kulankii ugu dambeeyay waxay 4-1 ku khaarijiyeen dhigooda Cardiff, ciyaar uu saddex-ley ka kacay Eden Hazard.

Sarri oo kulankaan kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay tahay inay wax badan iska horumariso.

"Waxaan qabaa fekeradeyda ahaan in waqti xaadirkaan kooxaha Liverpool iyo Man City ay naga fiican yihiin,” ayuu yiri Sarri.

"Waa inaan isku horumarinaa talaabo iyo talaabo,” ayuu hadalkiisa kusii daray maamulihii hore ee Napoli.

"Hadafkeenu waa inaan ku noqonaa kooxda ugu wanaagsan Ingiriiska muddo Hal sano ah, 18 bilood. Waakaasi himiladeena,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maurizio Sarri.

HORDHAC: INTER MILAN V TOTTENHAM – LABADDA KOOX OO DAGAAL ADAG U GELI DOONO SI AY MURQAHOODA U MUUJIYAAN

Kooxaha Inter Milan iyo Tottenham ayaa isku fara-saari doona kulan ciyaareed ka tirsan Champions League, gaara ahaan heerkiisa Group-yadda ah xili ay ciyaartaan qayb ka tahay Group-ka B-.

Labadda kooxood waxay ubaahan yihiin inay muujiyaan bilaabasho fiican oo tartankaan ah, kaasoo sanad ciyaareedkan ka xiiso badan kuwii hore.

WARARKA LABADA KOOX

Inter Milan waxaa kulankaan ay ubadan tahay inuu ka maqnaan doono Sime Vrsaljko sababo dhaawac, laakiin waxay dib uhelayaan kabtan Mauro Icardi.

Dhanka kale, kooxda Spurs waxay aysan heli karin ciyaartaan Dele Alli iyo Hugo Lloris, kuwaasoo dhaawacyo kala duwan garoomada kaga maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH

INTER MILAN: Handanovic; D’Ambrosio, De Vrij, Skriniar, Dalbert; Brozovic, Gagliardini; Perisic, Nainggolan, Candreva; Icardi

TOTTENHAM: Vorm; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Trippier, Eric Dier, Dembele, Davies; Eriksen; Harry Kane, Hon-min Son

SI KOOBAN

Kulanka: Inter Milan v Tottenham

Tartanka: Champions League

Saacadda: 19:55 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Garoonka: San Siro




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip