Yariisow oo farriin u diray Madaxda Maamul Goboledyada

0
Monday September 17, 2018 - 20:52:31 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yariisow oo farriin u diray Madaxda Maamul Goboledyada

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow, ayaa farriin u diray madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, xilli Khilaaf adag uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow, ayaa farriin u diray madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, xilli Khilaaf adag uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inuu ugu baaqaayo madaxda Maamul Goboledyada inay aqbalaan baaqii Madaxweynaha Somaliya ee ahaa inay ka qayb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Xilligii Madaxweynaha uu ku baaqay Shirka inuu qabsoomo ayaa maanta ah, sida muuqatana dib u dhac ayaa ku yimid shirkaasi.

Duqa Muqdisho oo ka hadlaayay xaflad xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay tabashada iyo Khilaafaadka jira in si hoose lagu xaliyo.

"Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho.”Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa si wayn ugu adkeystay diidmada ah inaysan ka qaybgalin Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip