Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Madaxda Maamul Goboleedyada Uga Digtay Mudo Kororsi Sheegtayna..

0
Monday September 17, 2018 - 20:00:49 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Madaxda Maamul Goboleedyada Uga Digtay Mudo Kororsi Sheegtayna..

    War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Khialafka xilligaan u dhaxeya Madaxda Galmudug,iyada oo baaq loogu diray. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo guda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Khialafka xilligaan u dhaxeya Madaxda Galmudug,iyada oo baaq loogu diray. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

 
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhammaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip