Waaberi oo sanadki afaraad oo xiriir ah usoo baxday fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

0
Monday September 17, 2018 - 19:47:25 in Wararka by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waaberi oo sanadki afaraad oo xiriir ah usoo baxday fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

    Degmada Waaberi ayaa marki afarad oo xiriir ah xaqiijisay in ay u soo baxdo fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ka dibay 1-0 uga adkaatay degmada Hodon. Hodon ayaa garoonka soo gashay iyadoo baahi wayn u qabta in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Waaberi ayaa marki afarad oo xiriir ah xaqiijisay in ay u soo baxdo fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ka dibay 1-0 uga adkaatay degmada Hodon. Hodon ayaa garoonka soo gashay iyadoo baahi wayn u qabta in ay ka aarsato degmada Waaberi oo sanadki horefiinaalaha tartanka ku garaacday isla markaana marki labaad oo xiriir ah beegsata fiinaalaha tartanka, halka Waaberi ay ay hangeedu uu ahaa in ay taariikh u samayso tartanka kubadda cagta degmooyinka si ay sanadki 4-aad oo xiriir ah ugu soo baxdo fiinaalaha tartanka.

Taageerayaasha labada degmo oo ay wehliyaan masuuliyiintooda ayaa degmada soo camiray waxayna aad uga duwaynayd dhammaan kulamadii wareegga 8-da oo uu garoonka faaruq ahaa, waxaana ka dib bandhig ciyaareed aad loola dhacayay qaybta hore ku soo idlaatay 0-0.

Marki laysku soo laabtay ayay sidoo kale labada koox soo bandigeen ciyaaris u dhigantay heerka weerar iyo kubad qaybsiga waxaana daqiiqadi 68 goolka qura ee ciyaarta degmada Waaberi u saxiixay laacibka No-19 Abuubakar Axmed Cosoble.

Waa beri ayaa horay fiinaalka tartanka uga soo muuqatay 2014 oo ay guuldaro 2-0 kala kulantay Xamarwayne ,2015 markale ayguuldaro kala kulantay markii ay Boondheere 1-0 ku garaacday iyo 2017 oo ay Hodon3-1 kaga qaaday.

Waaberi ayaafiinaalka tartanka la ciyaaridoonta degmooyinka Shibis iyo Shangaani maanta ballansan degmada Sii baxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip