Dhageyso:-RW Khere Oo U Jawaabay Madaxda Dowlad Goboleedyada,Ma Aqbaleyno….

0
Monday September 17, 2018 - 09:09:12 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-RW Khere Oo U Jawaabay Madaxda Dowlad Goboleedyada,Ma Aqbaleyno….

    Maalma ka hor Madaxda Dowlad Goboleedyada waxa ay sheegeen in amniga Magalada Muqdisho xilligaan uusan aheyn mid la isku haleen karo,waxaan hadalkaas sigaar ah u sheegay Madaxweynaha hir-Shabelle maxamed Cabdi Waare. Ra'iisul Wasaaraha xukuum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalma ka hor Madaxda Dowlad Goboleedyada waxa ay sheegeen in amniga Magalada Muqdisho xilligaan uusan aheyn mid la isku haleen karo,waxaan hadalkaas sigaar ah u sheegay Madaxweynaha hir-Shabelle maxamed Cabdi Waare. Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkaas dhawaan ka soo yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xilligaan uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo wax kasta oo tabasho siyaasadeed ah balse uusan soo dhaweyneyn in amniga Muqdisho lagu sheego mid aan wanaagsaneyn.

 

"Waxaan soo dhaweyneynaa wax walba oo tabasho ah la sigu tanaasulo iyada oo loo daneynayo dadka soomaaliyeed ee u baahan dowladnimada,laakin ma soo dhaweyneyno in la yiraahdo magalada Muqdisho laguma shiri karo oo amni maahan,ma aqaan waxa loogu daneynaayo hadalkaas ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaaneyn in la dalbadao in Gacan saddexaad oo Ajnabi ah ay soo farageliso khilaafka soomaalida dhexdeeda ah,isla markaana uu sheegay in waqtigaan laga gudbay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaana weli wax jawaab ah ka bixin Warmurtiyeedkii Madaxda Dowlad Goboleedyada dhawaan ka soo saareen shirkii kismaayo,iyaag oo sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Audio Player
 
xigashoraadiodalsa.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip