HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Monday September 17, 2018 - 08:47:18 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO KULANKOODA MAANTA KAGA HADLAYA AMNIGA MUQDISHO Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18 bisha September 2018 kulan ku yeelanaya magaalada Muqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO KULANKOODA MAANTA KAGA HADLAYA AMNIGA MUQDISHO Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18 bisha September 2018 kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Isniin ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen guddiga joogtada golaha shacabka ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa maanta waxa ay ka doodayaan amni darada ka jirta magaalada Muqdisho iyo sidii xal loogu heli lahaa, islamarkaana hay’adaha ammaanka loogula xisaabtami lahaa dhacdooyinka amni daro.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxa ay ka doodayaan kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo iyada oo askariga fadhigiisa loogu keenayo aqoonsiga si uu u arko, kadibna uu u sii daayo gaariga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid aan la isku haleyn karin kadib markii habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miinada nuuca dhejiska.

Dowladda federaalka caqadabad ugu weyn ee dhanka ammaanka ka heysata waa Ururka Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo dharaar cad dilal toos ah magaalada Muqdisho ugu geysta cida ay doonaan, iyada oo ay shaqeynayaan hay’adaha ammaanka.

WAXGARAD SOOMAALIYEED OO KU BAAQAY IN AYSAN DOWLADO SHISHEEYE FARAGALIN KHILFAAKA DOWLADDA DHEXE IYO MAAMU GOBOLEEDYADA

Kadib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa ay uga hadleen khilaafka xoogan ee u dhexeeya madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Ugu horreyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan sax aheyn in madaxda maamul goboleedyadu ay diidaan in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, kuna tilmaamaan in aysan aheyn meel nabad galyo ah.

Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan aan loo baahneyn is qabqabsi siyaasadeed oo uu tilmaamay in uu dib u dhigi karo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa ku baaqay in dowlado shisheeye aysan faragalin dadaallada haatan lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in ay diyaar yhihiin waxgaradka Soomaaliyeed, haddii loo baahdo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xalinta khilaafkaasi.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, iyadoona ay jiraan dadaalle looga hortago khilaafkaasi oo ay wadaan Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LAYLA CALI OO NOQOTAY QOFKII UGU HORR EEYAY EE SOOMAALI AH OO LOO DOORTO BAARLAMAANKA SWEDEN

Layla Cali Cilmi ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda bariga Afrika oo ku guulaysta mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Sweden.

Guusha ay Layla gaartay ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Sweden.Layla oo ka socotay xisbiga Green Party ayaa waxay ma tali doontaa degmada Angered ee ka tirsan magaalada Gothenburg taa oo ay ku badan yihiin dadka ka soo jeeda Geeska Afrika.

Degmada Angered ayaa waxaa ku nool illaa 14,000 oo qof oo Soomaali ah.

Layla iyo qoyskeeda ayaa waddanka Sweden galay sanadkii 1990 xilligaa oo dalka Soomaaliya uu ka socday dagaal sokeeye.

Layla ayaa waxay ballan qaaday in ay ahmiyada koowaad ka dhigi doonta dhanka waxbarashada.

SOMALILAND OO JOOJISAY SHIDAAL UGA IMAAN JIRAY ITOOBIYA

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaal uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya.

Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq.

Qaar ka mid ah dadka Magaaladda Baligubadle ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu cunaqabateynayo ,islamarkaana xukuumadda Muuse ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo horumarka Magaalada.

LIBAAX SADDEX QOF KU DHAAWACAY JABUUTI

ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen ka dib markii weerar uu kusoo qaaday Libaax kasoo fakaday xero ku taalla degmada Duuda ee dalka Jabuuti sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta degmadaasi.

Libaaxaan ayaa ka baxsaday beer weyn loo dalxiis taggo, islamarkaana lagu xanaaneeyo xayawaanada.

Xildhibaan kasoo jeeda degaanka ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka uu weeraray Libaaxa ayna askarta dileen goosha.

Agaasimaha caafimaadka degmada Duuda ayaa sheegay in libaaxa uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Waxaa socda baaritannada ku aadan goosha sida ay ugu suuro gashay inay baxsato iyo waxyaabaha sababay dhibtaada intaasi le’eg ay gaarsiiso bulshada ku dhaqan degmadaasi

R/ W KHEYRE OO KORMEER KU TEGAY XARUNTA DOWLADDA HOOSE EE XAMAR

Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga hourmarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

" Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa nagu soo booqday xarunta Dowladda hoose ee Xamar,tani oo qeyb ka ah kormeerkii uu ku mariyay Hay’adda Dowladda,maadama xaruntii caasimadda Gobolka Banaadir halkan tahay fursad ayay noo ahayn anaga inuu nala kulmo madaxdii Gobolka Banaadirna fursad buu u helay inuu warbixin ka dhageysto Xaalada meeshey mareyso,horumarka aan ka sameynay,runtii aad iyo buu inoogu dhiira geliyay shaqada aan bulshada u heyno,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dardar gelinta adeegyada shacabka Gobolka Banaadir loo qabto.

Ugu danbeyntii,Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay Ra’iisal wasaare Kheyre mudnaanta gaarka ah uu siiyo Gobolka Banaadir,wuxuuna kormeerka Ra’iisal wasaaraha qeyb ka yahay qorshaha isla xisaabtanka iyo kor joogteynta oo lagu tayeynayo howlaha muhiimka ah ee Bulshada u hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

FAARAX MACALIN "MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA WAA AGOONTII TIGREEGA WAXAANA U DAMBEYN DOONTO SIDA CABDI ILEY”

faarax-macalin.jpgSiyaasiga faarax Macalin marna soo noqday hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Madaxda Dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya oo dhawaan sheegay inay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin sida agoonta tigreega oo kale,isla markaana noqon doonaan sidii Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

"Madaxda Maamul Goboleedyada waa agoontii Tigreyga waxaana u dambeyn doonto sida Cabdi Iley,ayuu yiri Siyaasiga faarax Macalin.

Sidoo kale wax auu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu bedelay taliyeyaashii xiriirka la lahaa AlShabaab ee TPLF(Tigreega) balse waxa hadda haray Agoontii tigreeda ee madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaalida,wuuna ugu baaqay inay dharkooda xirxirtaan ayna u dambeyn doono sidii Cabdi Iley oo kale.

BOQORKA SUCUUDIGA OO BILADDII UGU SAREYSAY GUDDOONSIIYAY ABIY AHMED IYO ISAIAS AFWERKI

Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirka Nabadda ee lagu saxiixayo heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka socda magaalada Jeddah, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaadii labada dal u dhaxeysa muddo labaatan sano ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

GOLAHA WASIIRADA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG AYAA LOOGA YEERAY INAY SI DEG DEG AH KU TAGAAN MAGALADA CADAADO EE GOBOLKA GALGADUUD XILLI KHILAAFKA MADAXDA GALMUDUG UU SII XOOGEYSANAYO.

Warqad ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa lagu sheegay in wasiirada Galmudug ay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Wasiirkii qaadan waaya amarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tegi waayo cadaado lala xisaabtami doono.

SHIRKAD MAGDHOW SIISAY SHAQAALE AY SOOMAALI KU JIRTO

Ka dib Markii shaqaallaha muslimiinta ah ee ay Soomaalidu ku jiraan ay dacwad ka gudbiyeen Shirkadda ugu weyn wax soo saarka hilibka ee dalka Mareykanka, taasoo ku aadaned in loo diiday in xilliyadda Saaladda la fasaxo.

Dacwada ayaa laga gudbiyay shirkadda ayaa ku qasabtay in ay go’aan kale qaadato oo ay bixiso Magdhow si loo raaliyo Shaqaallaha Muslimiinta ah ee Shirkaddaasi oo Soomaali u badan.

Guddiga dalka Maraykanka u qaabilsan sinnaanta fursadaha shaqada ayaa ku dhawaaqay heshiiskaan oo ku soo beegmaya iyada oo dacwaddan ay soo jiitamaysay muddo dhowr sano ah.

Dacwaddan ayaa u dhaxaysay shirkadda hilibka ee Cargill iyo shaqaale Muslimiin ah oo tiradooda lagu sheegay 138 qof.

shirkadda hilibka ee Cargill ayaa ogolaatay heshiis dhexdhexaadin ah oo ku kacaya lacag ka badan hal milyan oo doolar oo magdhow ah.

Shaqaalahan ayaa ka cawday in shirkaddu ay u diiday inay salaadda tukadaan, taas oo keentay in shaqaalahaasi oo u badnaa Soomaali ay ka tagaan shaqada.

GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO AMAR LA DULDHIGAY (WAREEGTO)

Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga yeeray inay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud xilli khilaafka Madaxda Galmudug uu sii xoogeysanayo.

Warqad ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa lagu sheegay in wasiirada Galmudug ay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Wasiirkii qaadan waaya amarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tegi waayo cadaado lala xisaabtami doono.

Daraad ayaa waxaa Magalada Cadaado gaaray wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo xubno kale halka Magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

SAGAAL QOF OO LAGU TOOGTAY KOMPIENGA

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan weerar culus oo lagu qaaday dad Shacab ah oo ku sugnaa dalka Burkino Faco, kuwaasoo oo la sheegay in ay ahaayeen dad Shacab ah.

Bayaan kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Kompienga ayaa lagu sheegay in mid kamid ah weeraradaasi lala bartilmaamedsay masjid ku yaalla tuulada Diabara.

Saraakiisha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhintay imaamka masaajidka iyo afar qof oo kale, Hal qof oo kale ayaa sidoo kale u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay imaamka masaajidka iyo afar qof oo kale. Hal qof oo kale ayaa sidoo kale u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Sanadihi ugu dambeeyay dalka Burkina Faso waxaa kusoo badanayay rabshadaha la xiriira argagixisada.

60 qof ayaa ku dhimatay weeraro saddex ah oo lagu qaaday caasimadda Ouagadougou labadii sano ee lasoo dhafay.


WAFDIGII U HOREEYAY EE KA SOCDA AQALKA SARE OO SHALAY U AMBABAXAY PUNTLAND

Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shalay u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii xog uruurin dhab ah uga keeni lahaayeen tabashada maamul goboleedka Puntland ka qabo dowladda Federaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland.

Lama oga inta uu qaadan doono safarka wafdigan, hase ahaatee waxaa la filayaa in wixii ay kala soo kulmaan ay dib ula soo laaban doonaan Aqalka sare, si ay warbixin u siiyaan.

Wafuud ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la isku raacay in loo dirayo xarumaha shanta dowlad goboleedyada.

Aqalka sare oo daraad isugu yimid shir aan caadi aheyn ayaa si wadarogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara, una kuur gala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada, isla markaasna xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamul goboleedyada ayaa shuruud ku xiray shirka uu ku baaqay Madacweyne Farmaajo, waxaana ay soo jeediyeen in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadin iyo damaanad qaade ka noqota wada hadalada iyo in la isla meel dhigo goob ammaan ah inuu shirka ka dhaco.

70 XUBNOOD OO SHABAAB KA TIRSAN OO DUQEYN LAGU DILAY

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ciidamada Itoobiya ay ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya in ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan dagaalyahanada AlShabaab.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay guutada Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Idaacadda Fana ee ku taalla Addis Ababa ayaa sheegtay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay AlShabaab qorsheynaayeen.

Weerarkaasi ayaa lagu soo qaadi rabay guutada ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee AMISOM.

Idaacadda Fana ayaa soo xigatay Taliyaha ciidamada cirka ee Ethiopia General Yilma Merdassa, oo sheegay in duqeynta ay aheyd mid qorsheysneyd oo laga baaraan deggay, isla markaana 100% ujeedadii ay ka lahaayeen ay gaareen.

Ethiopia ayaa qeyb ka ah dalalka ciidamada ku yaboohay howlgalka AMSIOM. Waxaana ay ka howlgalaan qeybta 3aad ee Gobolada Bay iyo Bakool

DOWLADDA SOMALIA OO CODSATAY IN LA BALLAARIYO RAANWEYGA GAROONKA AADANCADDE

Xaflad lagu maamuusaayay sanad guuradii 5aad ee ay shirkadda Favouri oo ay ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalaada Muqdisho, islmarkaana ay ka qeybgaleen Masuuliyiin ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, taasi oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta munaasabdda ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Xirsi Aadan Rooble, Wasiirkii hore ee Gadiidka Siciid Qoorsheel, Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cabdi Askir Jaamac iyo Madax kale.

Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Olgan Beker oo munaasabadaasi kahadlay ayaa sheegay in dadka Turkiga ay ka go’antahay taageerada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Ashkir Jaamac iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheyl ayaa xusay in mudada ay joogeen wax badan ay ka qabteen shaqada Garoonka.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble ayaa ka codsaday shirkadda Favouri ee dalka Turkiga in la balaariyo ranweyga Diyaaradaha kusoo degaan, maadaamada duulimaadyado ay bateen.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariicyo farabadan ka fulisa gudaha dalka, iyadoo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimadka, waxbarshada, dhismaha qaar ka mid wadooyinka iyo garab istaaga dadka iyo Dowlada Soomaliyeed.

Shan sano ka hor ayay ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, si ay maal galin ugu sameyso Garoonka, hadii ay ahaan laheyd dhismaha Terminaalka hada la isticmaalo iyo Baakinada Diyaaradaha oo wali u baahan in la balaariyo.

MARKAB SIDA XOOLO FARABADAN OO SHALAY KA SHIRAACDAY DEKADA KISMAAYO

Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka shiraacday Markab siday xoolo farabadan kuwaas oo loo dhoofinayo mid ka mid ah Wadamada Carabta. Xoolaha Shalay laga dhoofiyey Dekadda Magalada Kismaayo ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 2000 Kun oo Neef,kuwaas oo isugu jira Ari iyo lo,isla markaana loo dhoofinayo dalka Cummaan. Cabdi Casiis Aadan Bishaar oo ka midda Masuuliyiinta Maxjarka Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Jubbaland waxa uu u sheegay in maalmaha soo socdo sidoo kale xoolo kale loo dhoofin doono Wadamada Qatar, Sacuudiga iyo Masar.

Sacuudiga ayaa dhowr bil ka hor xayiraadii waxa uu ka qaaday xoolihii loo dhoofin jiray dalkaas,kadib markii horay loo joojiyey sabab la xiriirta in cuduro lagu arkay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.


MAXAA KA TAQAANAA TAARIIKH NONOLEEDKA 

FANAANADA WEYN EE HIBONUURA?


Bilawgii kontankii ayay ku dhalatay Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Magaalada Boorama ayay timid iyadoo da’deedu yar tahay. Halkaas bay waxbarashada malcaamadda iyo dugsiga hoose dhexe ba ku qaadatay.

Hargeysa ayay judhiiba timid fankana ka bilowday. Firfircooni iyo fahan wanaag ayay fanka la soo gashay. Markii ba Maxamed Cumar Huryo AUN ayaa heesteedii koobaad u dhiibey. Laxankana waxaa ugu ladhay Maxamed Cige oo loo garan ogaa ‘ILBIR’. Waa ta iyaduna codkii ku biirisey iyadoo leh:

"Naf jacayl haleelay

taariikhdeeda hiba nuuraHawl waayi maysee….”!

Waxay ku noqotay heestaas fannaanad la aqoonsaday. Iyadoo heestaas oo qudha leh; ayaa Axmed Saleebaan Bidde isna hees kale u dhiibey. Heestaa markii hore wuxuu rabay abwaanku inuu Shamis Abokor oo ku magac dheerayd (Guduudo Carwo ) u dhiibo AUN. Waayo, heesta ayaa dareen gooni ah abwaanka u lahayd. Cid ka soo bixi karta oo si fiican loo yaqaan ayuu la rabay. Se Guduudo Carwo iyo Baxsan ayaa ka cudurdaartay kana codsaday abwaanka inuu u dhiibo inanta; si ay ugu soo baxdo. Isaga oo ka werwersan iney sidii loo baahnaa u qaadi karto; ayuu u dhiibey heestii. Waa ka soo dhalaashay tijaabadii xaqiiqdii. Waxay noqotey heestii loogu jeclaa wakhtigaas. Illaa haddana ma duugoobin oo waa sideedii. Laxanka waxaa u sameeyay Ismaaciil Yare AUN. Iyaduna cod dananaaya oo diiqadda kaa saaraaya ayay ku sidigtay; ereyo laab wax jecel ka soo go’ay.

Waxayna tidhi;

"…Waadigan se liitee,

Leexdu ku sidatee

Hadba laan cuksanayee..”!

Qoftaas wada garate ayaan filayaa. Waa fannaanadii keligeed waddaniga ahayd. Waa Hibo Maxamed Huddoon oo wakhti danbe uu weriye Cawke AUN u gu biiriyey magaceedii Hibo, naannaysta ah; "Nuura.”‘!

Intaas kadib riwayaddii Shabeel Naagood ayay aktarad ka noqotey oo waxaa loo bixiyey;” Xiddigtii Shabeel Naagood”! Xaggaas ayay ka sii wadday uun badweyn faneed oo illaa wakhti dhawaa taxnaa.

Waxyaalaha aan ku xasuusanno waxaa ka mid ah; dagaalkii 1977kii codkeeda ayaa ciidanka iyo shacbiguba ku dagaal galay. Iyada iyo Tubeec ayaa wehel u ahaa. Waa kuwii lahaa iyagoo darrandoorrinaaya:

"Geesiga dhulkiisa

Guusha u horseeda

Geeridii dishaa

Geedkaa ha ba’o…”!

Riwaayado badan ayay ka qayb qaadatay. Heeso badan ayay codkeeda noogu soo gudbisey. Heesaha, kuwa waddaniga ah iyo kuwa jacaylka ah ayay ku badnayd.

Riwaayadahana xagga dhaqanka, hiddaha iyo asluub wanaagga ayay u janjeedhay mar walba. Qabiilku lamuu weynayne; qarannimada ayaa la weynayd Hibo. Illaa hadda waa sidaas. Meel sare ayay taagan tahay. Waxay taagan tahay; ‘Afrikaannimo’ kadib ‘Soomaalinnimo.’

Xilligii dalku burburey, qof weliba waa kii meel u cararay. Xaggaas iyo qurbaha ayay qabatay iyadu. Dad badan ayay iska heleen oo Abwaan Singub ka mid yahay. Dalkoodii iyo qaaraddoodii ayay u boholyoobeen. Dabadeed intan ayay iska soo horreysiiyeen intii aaney innagu soo noqon oo aaney innoo iman. Waxay inna dhaheen:

"..Afriki waa dhulkaygii

Aan ku dhashay

Afriki waa dhulkaygii

Waan ku dhaqan

Afriki waa dhulkaygii

Waan ku dhiman

Afriki waa dhulkaygii

Waan ku dhaadanayaa…”!

Kama gayoon karno xusuusihii faneed ee HiboNuura. Se intani waxay iga tahay uun xusuusin kooban oo aan ku xasuustay sawirkan qurxoon oo aan ka helay Faysbuugga.

Ilaahay cimiriga iyo caqligaba haw barakeeyo HiboNuura. Bal adna?


QORSHO LAGU DHISAYO TIYAATARKA QARANKA OO BILAAWDAY & INJINEERO BOOQDAY


Ingineero ka socda Dowladda Shiinaha ayaa Shalay kormeer qiimeyn ah waxa ay ku tageen Xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalkan.

dayactirrrrrrXubno ka socday Wasaaradda Howlaha guud,Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Maareeyaha Guud ee ee Tiyaatarka Qaranka aya qeyb ka ahaa kormeerkaasi,waxayna diyaarinayaan qorshihii dib u dhis loogu sameyn lahaa Xaruntaas.Sidoo kale dowladda Shiinaha oo horay u dhistay tiyaatarka Qaranka ayaa hadda ku howlan in markale ay dib u dhis ku sameyso si Shaqooyinkii lagu qaban jiray loo ambaqaado.Maareeyaha Guud ee ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in Tiyaatarka Qaranka dhismihiisa uu xariga ka jaray Sanadkii 1967 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Rashiid Cali Sharmaake,isla markaana ay dhistay dowladda Shiinaha.

Sidoo kale wax uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay labaduba ay balan qaadeen in dib loo dhisayo laguna soo celinayo bilicdii uu lahaa.

Qorsha dib loogu dhisayo Xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa mudo soo socday,waxaana dowladda federaalka ay haatan ku howlan tahay in qorshahaas lagu guuleysto,isla markaana dib loo howlgeliyo tiyaatarka Qaranka.


SOMALILAND OO JOOJISAY SHIDAAL UGA IMAAN JIRAY ITOOBIYA

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaal uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya.

Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq.

Qaar ka mid ah dadka Magaaladda Baligubadle ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu cunaqabateynayo ,islamarkaana xukuumadda Muuse ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo hourmarka Magaalada.

SAGAAL QOF OO LAGU TOOGTAY KOMPIENGA

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan weerar culus oo lagu qaaday dad Shacab ah oo ku sugnaa dalka Burkino Faco, kuwaasoo oo la sheegay in ay ahaayeen dad Shacab ah.

Bayaan kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Kompienga ayaa lagu sheegay in mid kamid ah weeraradaasi lala bartilmaamedsay masjid ku yaalla tuulada Diabara.

Saraakiisha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhintay imaamka masaajidka iyo afar qof oo kale, Hal qof oo kale ayaa sidoo kale u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay imaamka masaajidka iyo afar qof oo kale. Hal qof oo kale ayaa sidoo kale u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Sanadihi ugu dambeeyay dalka Burkina Faso waxaa kusoo badanayay rabshadaha la xiriira argagixisada.

60 qof ayaa ku dhimatay weeraro saddex ah oo lagu qaaday caasimadda Ouagadougou labadii sano ee lasoo dhafay.

AMIIRKA QADAR OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRKA SOMALIYA EE WADANKAASI

Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar, waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

"Waxaan la xiriiray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaan u sheegay in aan la kulmayo amiirka, waxaan weydiiyay talo ahaan maxaan kala hadlaa oo qodobo ah oo fariin ah oo aad ii dhiibeysaa, hal fariin buu isoo faray oo runtii wax weyn ah " Igu salaam, salaam ka bacdina waxaad u sheegtaa oo aad nooga codsataa oo codsigeyga aad gaarsiisaa Jaaliyadda Soomaaliyeed haddii gudaha iyo dibadda ay joogtaba ay ka shaqeysan karaan gudaha dalka Qadar oo loo furo ciqaamadihii, qofkii shaqo hella waqtigan hadduu yahay xirfadle iyo hadduusan xirfadle ahaynba ciqaamad ma heli karo Baasboorka Soomaaliga ah uu wato awgeed, dalabkii madaxweynaha markaan geeyay meeshii baa lagu aqbalay, amarkii baa meeshii amarkii ku bixiyay in loo furo Soomaalida ciqaamadaha, Insha Allah waxaan dabagal ku sameynayaa sidii shaqada ku furmi lahayd,” Ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qadar.

Wuxuu sheegay maalmo gudahood in qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka hela dalka Qadar ay ciqaamadii u furan tahay, islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu dambeyntii safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb. C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.

KHASAARE KA DHASHAY DUUFAANTA KU DHUFATAY PHILIPPINES

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaanta Manghkhut ee ku dhufutay dalka Philippines taaso khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba ka gaysatay jasiiradaha ku yaalla halkaasi .

Duufaanta ayaa dhulka dhigtay khadadka isgaarsiinta Philippines waxayna hakad gelisay isu socodka gaadiidka.

Duufaanta Manghukt ayaa ku sii siiqaysa deeganno ku yaalla koonfurt Shiinaha.

Waxayna khatar gelinaysa nolosha dadka ku nool magaalada Hong Kong, saraakiisha waxay ugu baaqeen shacabka inay ka baxaan goobaha masiibada dufannada ay gaari karaan.

Waqooy bari dalka Philippines waxaa ka dhacay dhul go’ gaar ahaan jasiiradda wayn ee Luzon, in ka badan 5 milyan qof ayaa qarka u saaran inay dhibaatada u gaystaan duufaannada halka 100,000 qof ay guryahooda ka barakaceen.

Francis Tolentino oo ah afahayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in dhul go’a ka dhacay deegannada Cordillera iyo Nueva Vizcaya ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu intaasi ku daray in dhibaatada duufannada aysan hadda war buuxo ka haynin.

Dufaanta waxay burbur u gaysatay dhammaan guryihii iyo beeraha ku yaalla magaalada Tuguegarao,sida uu sheegay afahayeen u hadlay dowladda Philippines.

DIB U DHAC KU YIMID SHIRKII UU KU BAAQAY FARMAAJO

Baaqashada shirkan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii madaxda maamul goboleedyada oo aan Muqdisho soo gaarin inay soo saareen warqad warmurtiyeedkii ku qornaa ay ka mid ahaayeen in ammaanka Muqdisho aanan la isku haleyn karin, islamarkaana loo baahan yahay garab Saddexaad oo dhex dhexaadiya dowladda federaalka iyo madaxda mamaul goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho 17ka September oo maanta ku beegan ilaa 18ka Sebteembar oo berri ah ayaa looga wadatashan lahaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli lahaa shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan lahaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. qodobadan ayaa ahaa kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Golaha Amniga Qaranka waxaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda oo shir ay ku yeesheen dhawaan magaalada Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip