Maddaxda Somalida ha la Miisaamo!!! (Qormo Xiiso badan).

0
Sunday September 16, 2018 - 21:11:39 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maddaxda Somalida ha la Miisaamo!!! (Qormo Xiiso badan).

    Haddii aad aqriso taariikhda dalka Ingriiska waxaa Jira dhaqan soo jireen ah, in la miisaano Duqa magaalada iyo maddaxda kale qaar marka ay xilka qabanayaan iyo marka ay ka dagayaan. Haddii culeeyskiisu bato, waxaa loo aqoonsanayaa in uuna shaqadiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aad aqriso taariikhda dalka Ingriiska waxaa Jira dhaqan soo jireen ah, in la miisaano Duqa magaalada iyo maddaxda kale qaar marka ay xilka qabanayaan iyo marka ay ka dagayaan. Haddii culeeyskiisu bato, waxaa loo aqoonsanayaa in uuna shaqadiisa si fiican u qabsan xoolahii ummaddana uu cunay. Waxaa dhaqankaa caan ku aheyd High Wyombe, waxaana Duqa magaalada iyo maddaxda kale lagu miisaami jiray isku soo bax weyn oo ka dhacayay waddada White Hart Street, waxaa ka soo qaybgalayay bulshada magaalada, maddaxda Diimaha, waxaa la garaacayay Gambaleel weyn. Boqorkii James 1 ayaa sannadkii 1614tii magaalada u sameeyay xeer ahaa in la xulo 12 Qof oo ah dadka magaalada iyo 8 Odayaasha magaalada ah si ey isaga sii dhax doortaan Duqa magaalada.

Sannadkii 1678dii ayaa Henry Shepard uu arkay Duqii magaalada oo Cabsan, dhaqan xuma kalena ka muuqato, kadibna waxa uu soo saaray sharciga Miisaanka Maddaxda.magaalooyin kale ayaa dhaqankaa qaatay.sharciyadiina waxbaa laga bedelay sannadihii 1836, 1972 iyo 1980, waxaana dhaqankaa dib loo soo nooleeyay 1999, Miisaanka madaxdu waa socday 2015 iyo kadib in Sannad waliba 26ka bisha MAY maddaxda la miisaamo.

Dambi gaara hadduu galo waxaa uu leeyahay ciqaabtiisa, laakin cayilka waxaa lagu tuuryeeyaa Yaanyo, Ukun iyo waxyaaba kale oo uraya.

Waddamada qaar waxaa la diiwaan galiyaa hantida maddaxda iyo qaraabadooda dhaw, marka ey xilka qabanayaan, sii loola xisaabtamo.

Annaga amaa la raadiyaa wiilashii Isbaarada isgooysa Sanco 1992 dii dadka Ku miisaami jiray, si ay noogu miisaanaan, Xildhibaanada, maddaxda Sare, Maamul gobaleedyada iyo Saraakiisha ciidamada.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip