Khasaare ka dhashay duufaanta ku dhufatay Philippines

0
Sunday September 16, 2018 - 20:20:20 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare ka dhashay duufaanta ku dhufatay Philippines

    Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaanta Manghkhut ee ku dhufutay dalka Philippines taaso khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba ka gaysatay jasiiradaha ku yaalla halkaasi . Duufaanta ayaa dhulka dhigtay khadadka isgaarsiinta Philippines waxayna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaanta Manghkhut ee ku dhufutay dalka Philippines taaso khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba ka gaysatay jasiiradaha ku yaalla halkaasi . Duufaanta ayaa dhulka dhigtay khadadka isgaarsiinta Philippines waxayna hakad gelisay isu socodka gaadiidka.

Duufaanta Manghukt ayaa ku sii siiqaysa deeganno ku yaalla koonfurt Shiinaha.

Waxayna khatar gelinaysa nolosha dadka ku nool magaalada Hong Kong, saraakiisha waxay ugu baaqeen shacabka inay ka baxaan goobaha masiibada dufannada ay gaari karaan.

Waqooy bari dalka Philippines waxaa ka dhacay dhul go’ gaar ahaan jasiiradda wayn ee Luzon, in ka badan 5 milyan qof ayaa qarka u saaran inay dhibaatada u gaystaan duufaannada halka 100,000 qof ay guryahooda ka barakaceen.

Francis Tolentino oo ah afahayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in dhul go’a ka dhacay deegannada Cordillera iyo Nueva Vizcaya ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu intaasi ku daray in dhibaatada duufannada aysan hadda war buuxo ka haynin.

Dufaanta waxay burbur u gaysatay dhammaan guryihii iyo beeraha ku yaalla magaalada Tuguegarao,sida uu sheegay afahayeen u hadlay dowladda Philippines.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip