Wafdigii u horeeyay ee ka socda Aqalka Sare oo maanta u ambabaxay Puntland

0
Sunday September 16, 2018 - 19:05:23 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii u horeeyay ee ka socda Aqalka Sare oo maanta u ambabaxay Puntland

    Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

KODAK Digital Still Camera
Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii xog uruurin dhab ah uga keeni lahaayeen tabashada maamul goboleedka Puntland ka qabo dowladda Federaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland.

Lama oga inta uu qaadan doono safarka wafdigan, hase ahaatee waxaa la filayaa in wixii ay kala soo kulmaan ay dib ula soo laaban doonaan Aqalka sare, si ay warbixin u siiyaan.

Wafuud ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la isku raacay in loo dirayo xarumaha shanta dowlad goboleedyada.

Aqalka sare oo shalay isugu yimid shir aan caadi aheyn ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara, una kuur gala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada, isla markaasna xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamul goboleedyada ayaa shuruud ku xiray shirka uu ku baaqay Madacweyne Farmaajo, waxaana ay soo jeediyeen in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadin iyo damaanad qaade ka noqota wada hadalada iyo in la isla meel dhigo goob ammaan ah inuu shirka ka dhaco.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip