Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso

0
Sunday September 16, 2018 - 08:53:38 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso

    Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso waxay sheegayaan in kooxo looga shakiyay inay yihiin jihaad doon ay 9 qof ku dileen labo weerar oo kala duwan oo ay ku qaaden koonfur bari dalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso waxay sheegayaan in kooxo looga shakiyay inay yihiin jihaad doon ay 9 qof ku dileen labo weerar oo kala duwan oo ay ku qaaden koonfur bari dalkaasi




Bayaan kasoo baxday xafiiska barasaabka gobolka Kompienga ayaa lagu sheegay in mid kamid ah weeraradaasi lala bartilmaamedsay masjid ku yaalla tuulada Diabara.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay imaamka masaajidka iyo afar qof oo kale. Hal qof oo kale ayaa sidoo kale u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Weerarka labaad waxaa lagu dilay saddex qof oo isku qoys ah oo degenaa meel aan ka fogeyn tuulada weerarka lagu qaaday.


Sanadihi ugu dambeeyay dalka Burkina Faso waxaa kusoo badanayay rabshadaha la xiriira argagixisada.

Lixdan qof ayaa ku dhimatay weeraro saddex ah oo lagu qaaday caasimadda Ouagadougou labadii sano ee lasoo dhafay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip