Haweeney Isku-Daldashay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

0
Sunday September 16, 2018 - 08:46:23 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Isku-Daldashay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

    Wararka laga helayo Gobolka Mudug gaar ahaan Deegaan Hoos ymaada deegaanka Taaroge ee Gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaa in halkaasi shalay gelinkii dambe lagu arky Qof Dumar ah oo is Daldashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Mudug gaar ahaan Deegaan Hoos ymaada deegaanka Taaroge ee Gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaa in halkaasi shalay gelinkii dambe lagu arky Qof Dumar ah oo is Daldashay.



Waxaa la sheegay in Qofkan Dumara ah ee is Daldashay ay aheyd Haweyney oo da’ ahaan lagu qiyaasay 30 ilaaa 35 jir.

Dad deegaanka Taaroge ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen Haweyneydan oo geed ku yaalla halkaasi iska soo laadlaadisay,isla markaana is daldashay.


 
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska Galmudug,iyagoona goobta ka qaaday Meydka Haweyneyda,waxaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.


Sarkaal ka tirsan Booliska Galmudug ayaa sheegay in Haweeneyda is daldashay uu wax dhaawac ah ku oolin,balse qoorta uu uga xirnaa,xilli saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ay booqdeen isbitaalka.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwo dhif iyo naadir ah,balse ay ka dhacaan Gobolada dalka qaarkood.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip