Ra'iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawaca Xildhibaan Boorow(SAWIRO)

0
Sunday September 16, 2018 - 08:19:43 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawaca Xildhibaan Boorow(SAWIRO)

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo xalay Qarax loogu xiray gaarigiisa uu kasoo gaaray dhaawac culus. Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo xalay Qarax loogu xiray gaarigiisa uu kasoo gaaray dhaawac culus. Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

Dhaqaatiirka isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay soo hagaageyso in kastoo xildhibaanada uu dhaawac culus soo gaaray.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu Qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix oo gu’day.

Xildhibaanka ayaa xalay gaari Hilex ah oo uu saarnaa uu ku qarxay xilli uu maraayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan dhanka Tiyaatarka Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip