HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 16-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Sunday September 16, 2018 - 07:41:21 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 16-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNIHII HORE GALMUDUG OO KA DIGAY XAALADDA KU SOO KORODHAY Khilaaf culus ayaa ka dhex taagan madaxda dowlad Goboledka Galmudug, iyadoo Xildhibaan ada laba garab ay u kala jabeen oo qaar shalay ay sheegeen Xaaf inay xilkii ka qaadeen, halka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNIHII HORE GALMUDUG OO KA DIGAY XAALADDA KU SOO KORODHAY Khilaaf culus ayaa ka dhex taagan madaxda dowlad Goboledka Galmudug, iyadoo Xildhibaan ada laba garab ay u kala jabeen oo qaar shalay ay sheegeen Xaaf inay xilkii ka qaadeen, halka kuwa kalena Khamiistii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug. C.kariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu doo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada wuxuu uga hadlay Khilaafka xilligaan Galmudug ka dhex taagan.

 

 

WAA RIDAY IYO WAA RIDAY XAL MA KEENEYSE GALMUDUG SIDA HA LOO DHAAMO.

Waxaan shaki ku jirin in aan wada ogsoon nahay dhibaatada laga soo maray dhismaha iyo yagleelidda dowlad gobaleedyada guud ahaan, gaar ahaana kan Galmudug oo ka mid ahaa kuwii ugu sii dhibka badnaa dhismahiisa iyo dhidibo u aasidiisa.

Haddaba anigoo ka mid ah dadka ay lexjeclada gaarka ah ka heyso jiritaanka maamulkaas, midnimadiisa iyo horumarkiisa, waxaan u soo jeedinayaa mas,uuliinta labada dhinac ee Galmudug inay tanaasul muujiyaan una turaan maamulka iyo bulshada u heyb sheegata, isuguna yimaadan wadahal ayagoo garwaaqsanaya in waariday iyo waariday aysan cidna xal u keenaynin, maamulka oo ku burbura ma ahee.

Sidoo kale dowladda dhexe iyo waxgaradka reer Galmudugna waxaan u soo jeedin lahaa in maamulka la badbaadiyo xaaladda khatarteeda la dareemo, meelna la isugu keeno mas,uuliinta labada dhinac ayadoo saldhig looga dhigayo heshiiskii Djibouti oo qodabadiisi la isla fahmo, si sax ahna loo wada fuliyo iyo xeerarka iyo sharciyada u yaala Galmudug iyo dalkaba.

WASIIRKA DIFAACA OO KORMEERAY WARSHADII HORE EE TOLMADA DHARKA CIIDANKA XOOGGA..

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed "Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi ayaa Waxay Kormeereen Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iska xil saari doonto dhismaha Warshadan,mudada sanadkaan ka harsan la soo gaba gabeyn doono.

Dhismaha Warshadaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ka gacansiin doona Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga .

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga lagu wareejiyay qalabka Warshadan.

DUFCADII UGU HOREYSAY OO KA QELIN JEBISAY TAQASUSKA SHAREECADA IYO QAANUUNKA EE JAAMACADA BANAADIR

Xaflad ballaaran oo ay ku qelin jebiyeen dufcadii koowaad ee dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Hirgelinta taqasuskan oo socday muddo labo sano ah ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadaha Banaadir iyo International University of Africa ee dalka Sudan oo sanado ka hor kala saxiixday heshiis arintan ku saabsan.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxay sidoo kale kulmisay xiritaanka seminaar ku saabsanaa garsoorka toosan & sagootinta macalimiin ka yimid dalka Sudan oo ka tirsan Jaamacadda International University of Africa kuwaasoo muddo bil ah casharo taxane ah ka bixinayey taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.

Seminaarka oo sadexda cisho ee uu socday ay casharo bixiyeen macalimiinta ka yimid Sudan ayaa waxaa ka faaiideystay qaar ka mid ah garsoorayaasha ka howlgala maxkamadaha dalka iyo xubno metelayey heyadaha Cadaaladda.

Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa sheegay in ardayda qelin jebisay ay nasiib u yeesheen iney ka faaideystaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo uu xusay inuu yahay markii ugu horeysay taariikhda ee dalka la keeno, wuxuuna tilmaamay in dhowaan ay bilaaban doonto diiwaan gelinta dufcada 3aad, isagoo ardayda qelin jebisay kula dardaarmay iney bulshadooda uga faaiideyaan aqoonta ay barteen.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa oo kala ah Prof. Muusa Mohamed Ali Cabdalla, Dr. Ahmed Fakir Hussein Mohamed iyo Dr. Omar AbuuCubeydah ayaa iyana ka waramay muhimada uu leeyahay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo macnaha qotada dheer ee uu ku fadhiyo, iyagoo dhinaca kale ka mahad celiyey sida walaalnimada leh ee loo soo dhoweeyey mudada bisha aheyd ee ay dalka joogeen, waxayna ardayda qelin jebisay ugu baaqeen in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan howlaha ay umadda u hayaan si loo helo cadaalad toosan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladaas ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey dufcadii koowaad ee ka qelin jebisay taqasuska shareecada iyo Qanuunka iyo dufcadda labaad oo iyana heer gebogebo ah maraya, isagoo u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir.

"Jaamacadda Banaadir waxay xaqiijisay hirgelinta taqasuska sharecada iyo Qaanuunka oo markii ugu horeysay dalka la keenay, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan waana guul lagu farxo in shalay ardaydii ugu horeysay ay ka aflaxeyso” ayuu yiri Gudoomiyaha oo hadalo dardaaran ah u jeediyey ardayda qelin jebisay.

arday-16-630x420 Dr. Dalmar ayaa sheegay in heyadaha caddaalada iyo garsoorka dalka ay dhibaatooyin badan ka jiraan, loona baahan yahay ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iney dhibaatooyinkaas wax ka bedelaan marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha iyo xarumaha garsoorka dalka, maadaama ay barteen aqoon sare.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, ahna madaxa qeybta waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadiyey ardayda qelin jebisay oo uu xusay iney barteen aqoon baahi weyn loo qabay oo dibeda loo aadi jiray, balse hadda loogu keenay dalkooda, isagoo u mahad celiyey Jaamacadda International University of Africa oo gacan weyn ka geysatay taaba gelinta Taqasuskan.

Waxaa sidoo kale xafladaas ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Gudoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacadda Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo qaanuunka C/raxmaan Xasan Cumar oo ka waramay dedaalka labada Jaamacadood ku bixiyeen hirgelinta taqasuskan oo uu sheegay inuu noqday mid mira dhalay maadaama dufcadii koowaad ay ka qelin jebisay.

Ugu dambeyntii waxaa xafladaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Garsoorayaal iyo xubno kale oo ka faaiideystay seminaarka sadexda cisho socday ee la xiriiray shareecada iyo Qaanuunka, sidoo kale maamulka Jaamacadda Banaadir iyo qaar ka mid ah ardayda ayaa hadiyado ka kooban qalabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyed iyo waxyaabo kale gudoonsiiyey macalimiinta ka socday Jaamacadda International University oo Africa ee dalka Sudan oo ay si weyn ugu farxay, iyadoo xafladaas ay ku soo idlaatay jawi farxadeed.

XILDHIBAANO KU SHIRAY CADAADO OO SHEEGAY IN AY XILKA KA QAADEEN MADAXWEYNE XAAF

Qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo shalay shir ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Tirada Xildhibaanada sheegay in Xilka ay ka qaadeenMadaxweynaha galmudug ayaa gaaraya 47 mudane oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee maamulka, iyadoona kulanka uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casiroo dhawaan xilka laga qaaday.

Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sidaasi ku soo daabacay bartiisa twitterka.

Mooshinada iyo Xil ka qaadista ayaa waxaa ay sii hurin karaan Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Hogaanka ugu Sareeya ee Maamulka Galmudug.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya Kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaanada ku kala sugan Magaalooyinkaasi.

MAAMULKA JUBBALAND OO MAMNUUCAY IN SHIRAR LOO AADO GOOBAHA SHABAABKU JOOGAAN

Wasaaradda Aminga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Bardheere ee Gobalka Gedo ayaa mamnuucay in dadka wada shaqeynta la leh argagixisada AlShabaab inay ka noolaadaan deegaanno uu gacanta ku hayo Maamulka.

Shir Jaar’id oo ay si wada jir ah u qabteenMaamulka ayay ku mamnuuceen dadka wadashaqaynta la leh kooxda Nabadiidka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka oo mararka qaar shirar u aada Degaanada AlShabab aysan dib ugu soo laaban karin magaalada, waxaana ay u jeediyeen digniin ah in dadku aysan shirar u aadi karin goobaha argagixisadu joogto.

Cumar Ibraahim Aadan Madaxa Maaliyadda ee Maamulka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen labo shabakadood oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka dilalka iyo qaraxyada, isagoo xusay iny 5 ruux oo ka tirsan shabakadaas gacanta lagu hayo.

Wasiiru dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa hoosta ka xariiqay in Odoyaasha Nabadoona ee goobaha Shababku joogaan ee shirarka ugu aada in shalay kadib aysan dib ugu soo laaba karin magaalada Baardheere, waxaaa uu odoyaasha uga digay inay shirar u aadaan goobaha Shabaabku joogaan.

"Waxaan ku guuleysanayay in aan gacanta ku dhigno labo shabakadood oo kala ah kuwa madax jibiska u qaabilsan iyo kuwa qaraxyada maleega, waxa ay qirteen inay falalka loo heysto ay ka fuliyaan gudaha Baardheere, haatan waxaa la marsiin doonaa waxa uu sharciga ka qabo” ayuu yiri Wasiirudowlaha Amniga.

MUQDISHO: NIN MINDI KU HUBEYSNAA OO GOWRACAY XAASKIISA

Dhacdadan oo aheyd mid xanuun badan ayaa ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii Nin ku hubeysnaa Mindi uu gowracay xaaskiisa.

Xasan Taajir oo ah wiil la dhashay Haweeneyda la gowracay oo lagu magacaabi jiray Madiino Taajir ayaa isaga oo murugeysan Shabelle faah faahin ka siiyay dhacdadaasi.

Waxaana uu sheegay in walaashiis daraad gelinkii dambe uu gowracay ninka qabay, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Cabdi Cali Yuusuf, kadibna uu kor kaga Qunfulay Guri ku yaalla agagaarka saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lamaanahan ay is Guursadeen 3dii bishan September, islamarkaana aysan garaneyn sababta ku kaliftay Ninkaasi in uu Gowraco Xaaskiisa.

MADAXWEYNE BIIXI OO SHAHAADO SHARAFYO GUDOONSIIYEY SARAAKIIL SOO DHAMAYSTAY WAXBARASHO DIBADEED

20189156367260211578439865335 Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi ayaa shalay shahaadosharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalinjabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayey kulankan uu la yeeshay saraakiishan ciidanka Militariga ee soo dhamaystay waxbarasho sare, madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, taliyaha ciidamada Militariga sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada.

"Madaxweyne nimankani way dedaaleen oo kaalmo sare ayey ka galeen kuulliyado ay umaddo badani ku jireen, iyagana waxa farxad u ah inay shalay madaxweynahoodii hor joogaan oo in la ogyahay ay ogaadaan, adiga oo ciidanka aqoon ugu lahaa haatan madaxweyne ah.”ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Militariga Nuux Taanni.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna madasha saraakiishan lagu maamuusayey ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu u dhiirigalinayo ciidanka qaranka.

"Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa saraakiisha billadaha dahabka ah kusoo qalinjabiyey, qarankana waxa ugu magac weyn ninka fagaare caalami ah wax dalka lagu xasuusto kasoo saaro, qaran ahaanna aad iyo aad baa la idiinku xasuusan doonaa guushaas aad shalay keenteen ee sharafta, diblomaasiyadda, magac, aqoon iyo maamuuska militeriba ah.”ayuuu yidhi madaxweyne Biixi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahaadosharafyo uu ku maamuusayo, uguna mahadnaqayo guddoonsiiyey lixdan sarkaal ee katirsan ciidamada Militariga, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Gaashaanle Axmed Ciise Axmed, Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi, Gaashaanle Maxamed Daahir Jibriil, Gaashaanle Axmed Dagaal Dhimbiil, Gaashaanle Cabdikariin Maxamed Yuusuf, Dhamme Mustafe Cali Maxamed.

GALMUDUG OO MARKALE EEDEEYSAY MADAXWEYNE FARMAAJO

Wasiirka Warfaafinta maam Galmudug-2ulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso degaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku heyso faragelin maamulka Galmudug , islamarkaana Magaalada Muqdisho ay kasoo dirtay Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaalle lagu bixinaayo burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga.

Shacabka Magaalada Cadaado ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadgelyadda, waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin in la waxyeeleyo Nabad iyo dib u heshiisinta Galmudug.

DOWLADDA UK OO DIGNIINO DHANKA SAFARKA AH U JEEDIYAY MUWAADINTIISA KU SUGAN ITOOBIYA

Bayaan kasoo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynaya hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo la filaya in shalay ay soo gaaran dalka Itoobiya.

2 1 Dalka Britain ayaa muwaadinitiisa ku sugan dalka Itoobiya uga digay inay tagaan goobaha isu soo baxyada ay ka dhacayaan shalay islamarkaasna ay feejignaadaan.

Shaqaalaha u dhashay UK ee dalkaasi joogo ayaa lagu la taliyay inaysan tegin fagaaraha Meskel ee ku yaalla magaalada Addis Ababa halkaaso shalay ay taageerayaasha Oromada ay munaasabad soo dhawayn ah ugu qabanayaan hoggaamiyeyaasha ururka OLF.

Sidoo kale waxaa kamid ah deeganno qaar ah oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka South Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay dowladda UK ayaa kusoo begmaya xilli shalay magaalada Addis Ababa ay soo gaarayaan Jabhadda Oromada ee OLF oo ku dhawaad nus qarni dagaal hubeysan kula soo jirtay dowladda Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa ay ka dhaceen rabshado kaddib markii ay isku gacan qaadeen taageerayaasha Jabhadda Oromada ee OLF iyo dhalinyaro ka soo horjeedda.

Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

MAXKAMADA CIIDAMADA OO XUKUN KU RIDAY DHALINYARO KU EEDEYSAN IN AY KA TIRSAN YIHIIN ALSHABAAB

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa shalay xukun ku riday 5 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada AlShabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray AlShabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

Xaafadda Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shansano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Al Shabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale isaga iyo koox kale oo xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin AlShabaab, sidoo kale ay ka wada tirsanyihiin Koox gaar ah oo ay ula baxeen (jugta Culus) taas oo loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray AlShabaab Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ,Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.

MAS'UULIYIIN KA TIRSAN PUNTLAND OO BEENIYAY DAACISH INAY LA WAREEGEEN DEEGAANNO KA TIRSAN GOBOLKA BARI

Maamulka deegaanno dhaca galbeedka gobolka Bari ayaa hay'adaha ammaanka ka dalbaday in tallaabo laga qaado cidda baahisay in Daacish ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka.

Degmada Balidhidin iyo deegaanka Banxagar oo ka tirsan gobolka Bari ayaa warbaahinta ku warrantay inay la wareegeen dagaallamayaal ka tirsan ururka Daacish, balse waxaa beeniyay warka maamulka deegaannada.

" Waa been iyo waxba kama jiraan in Daacish ay la wareegeen Balidhidin iyo Banxagar " ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Banxagar ,Ciise Siciid Faarax oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Ciise Siciid , ayaa sidoo kale sheegay in deegaannada ay ku suganyihiin ciidammada amniga Puntland gaar ahaanna ciidamo loo yaqaan guuto Bari , wuxuuna inta ku daray in ciidammada deegaannada ku sugan ay heegan ugu jiraan sugida amniga.

Koox taageersan Daacish ayaa ku sugan dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari iyo deegaannada dhaca xeebaha,iyagoo halka ka geysta weerarro ay mararka qaar kula wareegeen deegaanno.

JUBALAND OO QABATAY NIN WATAY DHARKA DUMARKA.

Kadib Howgal ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose ayaa waxaa ay ku soo qabteen nin xirnaa dharka dumarka, iyadoona ciidamada haatan ay baaritaano ku wadaan ninkaasi.

Saraakiisha ciidanka Nabad sugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ninkan uu la baxay Magaca ah Farxiyo Ok,islamarkaana uu mudo labo maalin la joogay laba dumar ah,iyadoona markii dambe ay ciidanka helaan xog arimahaasi ku saabsan kadibna sidaasi lagu soo qabtay ninkan.

Ilaa iyo hada lama oga waxa ku qasbay inuu ninkan xirto dharka dumarka.

Ciidamada Jubbaland ayaa kordhiyay Baaritaanada ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaala Magaalada kismaayo,kuwaasi oo lagu baadi goobayo dadka falalka amni darada ka geysta Magaalada iyo xubnaha ka tirsan dagaalamayaasha AlShabaab.

MAREYKANKA OO CUNAQABTAYNO HOR LEH KUSOO ROGGAYA IIRAAN

w Xukkumada Madaxweyne Trump ayaa dalka Iiran kusoo rogaysa cunaqabatayno wajiyo kala duwan leh kaddib markii Maraykanka uu isaga baxay heshiiska nukliyeerka ee Iiran.

Saraakisha Maraykanka ayaa caddeeyay inay doonayaan in gebi ahaanba ay hakad geliyaan shidaalka Iiran ay dhoofiso.

Maraykanka ayaa sidoo kale Iiran ka jartay xiriirada caalamiga ee dhaqaalaha ee loo yaqaano SWIFT.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo wuxuu xaqiijiyay in tallabooyinkaasi oo idil haatan laga shaqeynayo isla markaasina weli go'annadaasi laga baaran degayo.

Laga bilaabo 4ta Noofembar sherciyada as'aasiga ee la dajiyay waxay saameyn ku yeelan doonta cid walbo oo doonaysa inay xiriir dhaqaale la samayso Jamhuuriydda islaamiga ee Iiiran.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa sidoo kale in ninkii isaga xilka kaga horeeyay ee john kerry uu ku eedeyay in u wiiqay siyaasadda Maraykanka oo u la kulmay wasiirka arrimaha dibeeda ee Iran.

John Kerry wuxuu garwadeen ka ahaa heshiiska Nukliyeerka ee Iiran balse wuxuu beeniyay in Iiran uu u soo bandhigay qaabka ay ula macaamili karaan Trump marka u heshiiska isaga baxo.

Wuxuu ku doodayay in Iiran ay wax ka beddesho xiriirada ay la sameynayso waddamada gobolka oo ay xukkumadda Trump u aragto tallaabo halis ah.

KUWAIT OO BOGAADISAY DADAAALADA MADAXEYNAHA JFS EE GEESKA AFRIKA

Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwait u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Mansour AlOtaibi ayaa Khamiistii aynu soo dhaafnay soo dhaweeyay dadaaalka Madaxeynaha Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo ee kuwajahan Nabad ka Islaaxinta wadamada Geeska Afrika.

Hadal uu ka horjeediyay ergayga kulanka Xubnaha Golaha amaanka ee Qaraamada Midoobay ayaa wuxuu bogaadiyay horumarka ka socda mandiqada Geeska Afrrika ee dhinaacyada Nabadda, amniga iyo Siyaasadda xiligan ay higsanayso.

Danjire Mansour AlOtaibi wuxuu si gaar ah u soo dhaweyyay dowrka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka qaatay horumarinta iyo dib u soo celinta xiiradaEtihiopia, Ereteriya iyo Jabuuti iyo kulankii dhex maray dhawaan wasiir arrima dibadeedka sadaxdaasi Dal kadib markii uu Madaxweynaha uu booqasho taariikhi ah ku tagay Dalalkaasi.

Mudane Ambassador Mansour AlOtaibi ayaa intaa raaciyay inuu aad u soo dhaweynayo dadaalka xukuumadda Somalia ee la xiriira wanaajinta dhaqaalaha iyo ka gudbidda dhibaatooyinka ku hareeraysan,isagoo Jaamacadda Carabta iyo ururada kale ee Caalamiga ugu baaqay inay Soomaaliya taageeraan si ay uga gudubta caqabadaha ka jira.

Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwet u fadhiya Qaraamada Midoobay wuxuu kaloo sheegay in kulankii 150aad ee Golaha wasiirada Jaamacadda carabta ee todabaadkii tagay lagu qaabtay magaalada Qaahira loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda carabta inay tageeraan Dowladda Soomaaliya si loo sii xoojiyo Nabadda iyo horumarka ay hiigsanayso.

Mudane Ambassador Mansour ayaa soo dhaweeyay go’aanadii shirkii Magaalada Brussels ee la qabtay bishii julay ee Sanadkan kaasoo ay Dowladda Kuwait ka qeyb gashy laguna taageerayay qorshaha kala guurka Somaliya.

BOGGA CAYAARAHA

Manchester united oo Joojisay Guulihii Xariirka ee Kooxda Watford markii ay ku Dubteen Garoonkooda+SAWIRRO

Lukaku iyo Smalling ayaa u suura galiyay Manchester united inay guul 2-1 ku garaacdo kooxda Watford oo guuldarro la’aan aheyd.

Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda Manchester united.

Goolka daah furka dheesha waxaa dhaliyay laacibka Romula Lukaku markii cayaarto socotay daqiiqadii 35-aad kaddib kubadd diib qurxoon uu soo dhigay irida goolka cayaariyahan Ashley Young.

Seddaxda daqiiqo kaddib goolka labaad ayay heshay united waxaan shabaqa u gaaray daafaca Chris Smalling

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labada dhinac ayaa halkoodii ka sii watay kubadda weerar ku dhisan inkastoo firfircooni ay lasoo gashay kooxda Guriga.

Daqiiqadii 65-aad Andre Gray ayaa gool usoo celiyay kooxdiisa Watford markii kubbad si qurxoon loo dhisay uu goolka ku dhameystiray.

United ayaa u muuqatay mid hab difaaceed cayaareeysay kulanka qeybihiisa dmabe waxayna kubaddu inteeda badan aheyd in ka socotay dhan kooxda Guriga.Markii dheesho socotay daqiiqadii 77-aad kooxda Watford ayaa iska badbaadisay kubbad weerar celi aheyd taasoo ay banaanka kaga saareen laacibka Alex Sanchez.

VALVERDE OO LUMIYAY XASILLOONIDA KADIB MARKII WAX LAGA WEYDIIYAY SABABTA UU U BADALAY OUSMANE DEMBÉLÉ

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa xakameyn waayay dareenkiisa kadib shirkii jaraa’id uu kasoo muuqday guushii ay kaga gaareen kooxda Real Sociedad garoonka Anoeta Stadium.

Valverde ayaa si weyn kaga carooday su’aalaha joogtada ah ay soo bandhigeen suxufiyiinta inta uu ku gudi jiray shirka jaraa’id kadib ciyaarta.

"Qeybtii hore, Sociedad waxay masaafo u diideen Pique si uusan kubada kaga soo saarin qeybta dambe ee difaaca, ama uu u wareejiyo labada dhinaca ee garbaha, sababtoo ah aad ayay ugu dhawaayeen”.

"Laakiin qeybtii labaad wax walba ayaan hagaajinay, sababtoo ah waxaan heysanay dooqyo kala duwan”.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa lumiyay xasilloonidiisa kadib markii wax laga weydiiyay sababta uu ciyaarta kaga saaray Ousmane Dembélé isla markaana uu u keensaday Arturo Vidal.

"Ma fahmin sababta aad ii weydiineysaan badalka Ousmane Dembélé iyo soo galida ciyaarta ee Arturo Vidal.? Waxaa jiray badalo kale”.

"Waxaan kusoo guuleesanay garoon aad u adag, waana Anoeta Stadium, idinkana waxaad ka hadleysaan badalka Ousmane Dembélé iyo Arturo Vidal”.

Tababare Klopp Oo Dib U Qorey Taariikh Ay Iskoor Ay Liverpool Ugu Dambeysay Tobaan Sano Kahor

Liverpool ayaa guul muhiim ah waxa Wambley ay kaga gaareen dhigooda Tottenham ciyaar ka tirsanayd horyaalka Premier League ee wadanka Ingiriiska, taasoo xiiso lahayd.

Georginio Wijnaldum iyo Roberto ayey Liverpool uga mahad-naqaysaa goolasha, halka dhanka kale kooxda Spurs ay ka heshay goolka qura ciyaaryahan Erik Lamela.

Guushaan waxay u tahay Reds tii Shanaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto fasal ciyaareedkan horyaalka EPL-ka, xili ay Liijaanka uhayaan horyaalka iyaga oo leh 15 dhibcood.

Tani waxay ka dhigan tahay in Tababare Jurgen Klopp uu dib ugu qorey diiwaanka Rigooradda ee Premier League iskoor ay Reds ugu dambeysay tobaan sano kahor. Iskoorkaasi wuxuu yahay inay guul gaareen saddex jeer marka tani lagu daro Shanta kulan ee ugu horeysay PL-ka, waxaana ugu dambeysay sanad ciyaareedyadii 1990-91 iyo 1978-79.

Sikastaba, kooxda Klopp ayaa haatan umuuqata mid xusul duub adag ugeli karta inay xagaaga ku guuleysato Premier League, marka loo eego qaabka ay haatan wax usocdaan.

ARSENAL OO MINANKEEDA KU DUBATAY NEWCASTLE UNITED XILI UU OZIL DHALIYEY GOOLKIISII UGU HOREEYAY EPL

Arsenal ayaa waxay 2-1 uga badisay dhigeeda Newcastle United oo ay la dheeshay kulan ka tirsanaa Premier League, kaasoo ka dhacay garoonka laga badiyey.

Graint Xhaka iyo Mascuud Ozil ayaa u dhaliyey kooxda Unai Emery labadda gool, kuwaasoo yimid labadda qaybood ee kulanka, oo ay si wayn isugu daaleen labadda dhinac.

Newcastle United waxaa gool usoo celiyay laacibka lagu magacaabo Ciaran Clark, wuxuuna yimid goolkiisa daqiiqadii 91aad ee qaybta labaad ee kulanka.

Inta ay ciyaartu socotay ma jirin ciyaaryahan loo taagey kaarka gaduudan, laakiin waxaa jiray laacibiin labadda koox ka tirsan oo kaararka Jaalaha ah.

Gunners-ka ayaa maamulka ugu badan ee garoonak gacanta ku haysay, waxayna umuuqdaan wiilasha Emery, kuwa si wayn looso abaabulay oo dareenkoodu sareeyay.

Guushaan waxay utahay Arsenal tii saddexaad oo ay ka helaan EPL-ka xili ay xusid mudan tahay in laga badiyey Labo kamid ah ciyaaraha laga dheelay xagaagan.

SHANGAANI OO GASHATAY SHAARKA SEMI FINAL KA TARTANKA DEGMOOYINKA KADDIB

Howl-wadaag 1-1 Shangaani {Howl-wadaag OO 3 kamid ah shantii tuurasho oo ay xaqa u lahayd halka ay labada kale iska qasaarisay halka ay Shangaani oo afar tuurasho ay kaga filaatay in ay guusha helaan}

England - Premier League September 15

Tottenham Hotspur 1 - 2 Liverpool

AFC Bournemouth 4 - 2 Leicester City

Chelsea 4 - 1 Cardiff City

Huddersfield Town 0 - 1 Crystal Palace

Manchester City 3 - 0 Fulham

Newcastle United 1 - 2 Arsenal

Watford 1 - 2 Manchester United

Italy - Serie A September 15

Inter 0 - 1 Parma

Napoli 1 - 0 Fiorentina

Frosinone 0 - 5 Sampdoria

Spain - LaLiga Santander September 15

Atletico Madrid 1 - 1 SD Eibar

Real Sociedad 1 - 2 FC Barcelona

Valencia CF 0 - 0 Real Betis Balompie

Athletic Bilbao 1 - 1 Real Madrid




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip