Haweenay iyo ilmaheed oo ku dhintay Duufaanta Mareykanka

0
Saturday September 15, 2018 - 18:43:35 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay iyo ilmaheed oo ku dhintay Duufaanta Mareykanka

    Haweeney iyo ilmaheed ayaa ku dhintay kadib markii geed uu kusoo dhacay gurigooda Magaalada Wilmington, North Carolina ee dalka Mareykanka, Waana dhimashadii ugu horreysay oo laga soo sheego duufaanada ku dhuftay dalka Mareykanka Jimcihii. Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney iyo ilmaheed ayaa ku dhintay kadib markii geed uu kusoo dhacay gurigooda Magaalada Wilmington, North Carolina ee dalka Mareykanka, Waana dhimashadii ugu horreysay oo laga soo sheego duufaanada ku dhuftay dalka Mareykanka Jimcihii. Booliska ayaa ku xaqiijiyay geerida labaddaan ruux Twitter-ka, isaga oo sheegay in aabbaha cunuga la geeyay xarun caafimaad oo degaanka ah si loogu daweeyo, Maadaama ay soo gaareen dhaawacyo.

Maamulka Magaaalada ayaa sidoo kale sheegay in ku dhawaad 3 qof oo kale ay dhinteen Saacaddihii lasoo dhaafay, Maadaama duufaanadu ay yihiin kuwo xooggan.

Guddoomiyaha Gobolka North Carolina Roy Cooper Waxaa uu sheegay in duufaanada ku dhuftay gobolka ay sii xoogeysteen Saacaddihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay suurtagal tahay in sameyn weyn ay geysato

boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay meelaha ugu daran ee gobolkaasi, Kuwaasoo hadda ku jira Xaalad Cabsi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip