Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis nabadeed ku saxiixaya magaalada Jeddah

0
Saturday September 15, 2018 - 18:27:57 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis nabadeed ku saxiixaya magaalada Jeddah

    Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka qeyb galaya shir nabadeed oo maalinta berri oo Axad ah ka dhici doona magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasoo uu martigelinayo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka qeyb galaya shir nabadeed oo maalinta berri oo Axad ah ka dhici doona magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasoo uu martigelinayo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz.

Calamada Eritrea, Itoobiya iyo kan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la suray waddooyinka magaalada Jeddah, kaasoo lagu muujinayo diyaar garowga shirka nabadda ee dhex mari doono hoggaamiyeyaasha dalalkaas

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa saxiixi doona heshiis nabadeed oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika Mousa Faki.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa markii u horeysay maalmo ka hor sheegay in Sucuudiga uu kaalin ku leeyahay dib u heshiisiinta dalalka Eritrea iyo Jabuuti oo u dhaxeysay colaad muddo toban sano soo socotay oo ka dhalatay muran dhuleed xuduudka labada dal ay wadaagaan.

Bishii July Madaxda Itoobiya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaadii mudada labaatankan sano u dhaxeysa labada dal, waxaana dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeyay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip