Michael Keating: Soomaaliya waxaa lacago isku dhaafsanaya dowladdo shisheeye

0
Saturday September 15, 2018 - 00:00:16 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Keating: Soomaaliya waxaa lacago isku dhaafsanaya dowladdo shisheeye

    Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan. Keating ayaa sheegay inaysan ahayn wax sahlan horumar la sameeyo iyadoo Al-Shabaab iyo kooxaha kale isku dayayaan inay minja-xaabiyaan dadaallada, balse waxa uu ugu baaqay inay Soomaalidu isku tanaasulaan. Mar uu soo hadal qaaday siyaasadaha cakiran ee maalmihii ugu danbeeyay ka soo dhax cusboonaaday maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayuu sheegay in arrimahan oo dhan yihiin kuwo ka dhashay mashkalado siyaasadeed oo ku hoos duugan awooda iyo waliba sida loo kala qeybsanayo iyo dhinaca kale nidaamka federaalka oo ah mid cusub Soomaaliya.
‘’Xaaladahan soo cusboonaaday waa kuwo nasiib darro ah, waxaan rajeynayaa in ay si deg deg ah u xaliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida dhibtaada jirta, waxaana rajeynayaa in maamul gobolleedyadu ku raacaan madaxweynaha Soomaaliya in ay kala qeybgalaan shirka uu ku baaqay ayuu yiri Micheal Keating.
Wuxuu sheegay in la soo gaaray waqtiggii hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay qaadan lahaayeen mas’uuliyad wadareed, oo ay ka shaqeeyaan degenaashaha wadankooda iyaga oo aan eegin faragalin xal doon ah oo uga timaada dalka dibediisa.
Keating ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday kuna tilmaamay arin nasiib darro ah in ay jiraan dowladdo shisheeye oo lacago isku dhaafsanaya siyaasada Soomaaliya si awoodda loogu taageero in ay qolo gaar ah ku guuleysato ama codka kalsoonida loogu qaado koox kale, isaga oo sheegay in arinkaasi yahay kan hor taagan hormarka Soomaaliya.
‘’Nasiib darro lacago badan ayaa leysku dhaafsadaa Sooomaaliya si codadka doorashada loogu kala guuleysto, ama in la joojiyo ama la taageero mooshin cid ka dhan ah, arrintani waa mid aad u culus oo aan marnaba u adeegeynin in wadanku hormaro’’ ayuu yiri Keating.


Dowladda hadda jirta ayuu sheegay in ay la timid ajande culus oo dib loogu habeynayo hannaanka dhaqaalaha dalka, arintaa oo ay dusha sare kala socto ayuu yiri hay’adda lacagta aduunka ee IMF.
‘’Tallaabooyinka ay dowladdu u qaaday dhinaca hormarinta dhaqaalaha gudaha waxaa ka yimid natiijo fiican marka la eego isbadallada la sameeyay bilihii ugu danbeeyay ee la xiriira kobaca dakhliga gudaha ‘’ ayuu yiir Keating.
Hadalka Michael Keating ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya maamul gobolleedyada iyo waliba dowladda dhexe, dhinaca kalana uu dhawaan xilka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu la wareegi doono ergay cusub oo loo soo magacaabay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip