Maalqabeen Sadaqo Ku Bixinaya Lacag Dhan 2 Bilyan Oo Dollar

0
Friday September 14, 2018 - 20:40:20 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalqabeen Sadaqo Ku Bixinaya Lacag Dhan 2 Bilyan Oo Dollar

    Madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa gargaar u bixinaya 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka guryo la'aanta iyo iskuullo. Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa gargaar u bixinaya 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka guryo la'aanta iyo iskuullo. Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay'addiisa samafalka ee mashruucan fulin doonto loo bixinayo Day One Fund. Bezos ayaa la sheegay in uu haysto dhaqaale ka badan 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, wuxuuna horay ula kulmay dhaleecayn ku saabsan in uusan wax badan ka gaysanin arrimaha gargaarka.

Bernie Sanders oo ah Senater Maraykan ah ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada Amazon.

Bezos ayaa dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan sidii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah, dhaqaalihiisa ayaana sare u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada Amazon isla markaasna la dhimay canshuurihii Maraykanka.

Khamiistii ayuu sheegay in hay’adda "Bezos Day One Fund” ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha aan ribix doonka ahayn ee haddaba caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu iskuullo u dhisi doono bulshooyinka uu soo galo dhaqaalaha yar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip