Reer Galbeedka Oo Maqaamkii Soomaaliya Hoos U Dhigay, Kaddib Bixitaanka Keating

0
Friday September 14, 2018 - 20:33:35 in Wararka by
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Galbeedka Oo Maqaamkii Soomaaliya Hoos U Dhigay, Kaddib Bixitaanka Keating

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaarka ahi ee Qaramada Midoobe u qaabisanaan doona dalka Soomaaliya, isaga oo beddalaya wakiilkii hore Danjire Michael Keating.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaarka ahi ee Qaramada Midoobe u qaabisanaan doona dalka Soomaaliya, isaga oo beddalaya wakiilkii hore Danjire Michael Keating. Danjirahani oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa Magacabiddiisa waxay durba bannaanka u soo baxinaysaa warbixinno dheeraad ah oo laga helayo waxaana diblumaasiyiin caddaan ah ay iigu warrameen in arrintani ay salka ku heyso khilaafka Maraykanka iyo Turkiga, waxaana lagu muujinayaa in maqaamkii Soomaaliya ay hoos u dhigeen Reer Galbeedka.

Dowladaha quwadaha waa weyn ee caalamka ayaa loo sababaynayaa sababta ay maqaamkii Soomaaliya hoos ugu dhigeen in ay ka dambeeysay kaddib markii maamulka uu hoggaamiyo Farmaajo uu la tartansiiyay dowladda Turkiga oo dagaallo ku qotomo kuwa dhaqaale, awood iyo arrimo kale oo siyaasadeed oo Bariga Dhexe aynu Ka soo qaadan karno ay kala dhaxeeyaan.

Waxaa aad u yaraaday shantii sano ee la soo dhaafay ururrada iyo deeq bixiyeyaasha ka howlgalayay Soomaaliya arrinkaas oo aan ku sifeeynayo inuu yahay mid siyaasadeed oo weliba aad u dahsoon.

Dawladaha Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa waxay hoos u dhigeen Deeqihii ay Soomaaliya siin jireen 2016- 2017

Waxaa kaloo suurta gal ah in UK, Maraykanka, Swedan iyo Norwey iyaguna wixii sanadkani 2018-ka ka dambeeya deeqaha ay ku taageeraan xukuumadda Muqdisho inay hoos u dhigaan 2018–2019 taasoo Ka dhignaan karaysa fashil siyaasadeed, mid amni iyo mid shaqsiyan ugu dhacaya madaxda maanta talada wadanka heysata oo fadhisa aqalka dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasadaha dahsoon ee xukuumadaha galbeedka waxaa lagu gartaa marka ay dal siyaasaddiisu diidan yihiin uu ku lug lahaado dalalka soo koraya sida dalkayaga oo ay wada joogaan in ay dhimaan ama yareeyaan safarrada ay ku booqdaan madaxda iyo wasiirrada qaabilsan iskaashiga caalamiga ah.

Illaa iyo intii la doortay Madaxweyne Farmaajo dawladaha reer Galbeedku waxay dareemayeen in Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia uu koox xagjir ah gacanta u galay, waliba xubno AlShabaab gacan saar la leh taasoo keentay in dowladahaasi ay ka fiirsadaan tallaabo kasta oo ay ku baritaarayaan xukuumadda uu madaxda ka yahay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caqabadaha ku hor gudban ergayga cusub iyo Doorashooyinka Somalia 2020.

1.Khilaafka ka dhex aloosan xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho iyo dowlad goboleedyada dalka.

2.Qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira wadamo kamid ah IGAD

3.Dagaalka dhaqaalaha suntan ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

4. Walaac laga muujinayo sii socoshada masruufka ciidamada ajnabiga ah ee AMISOM.

5.Faragellinta siyaasadeed ee Villa Somalia ay ku heyso maamullada oo laga cabsi qabo in doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyadaasi ay madax ka noqdaan rag xagjir ah.

6.Saameynta khilaafka dowladaha Khaliijka ee Soomaaliya oo wali aan xal loo helin.

7.Kobicii dhaqaalaha oo meesha ka baxay, ayaa sababi kara abaaro kale iyadoo aan la hubin taageerada maaliyadeed ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ka heli karto beesha caalamka.

8. Walwal laga qabo xaaladda ammaan ee caasimadda Muqdisho taasoo keeni karta in la beegsado xildhibaannada labada aqal iyo dad qiimo ugu fadhiya bulshada rayidka.

Ergeygaan cusub Nicholas waa nin aan haysan dawlado gadaal ka taagan iyo nin aan taageero weyn ka haysan dawladaha reer Galbeedka ee hoggaanka u haya siyaasadda caalamka islamarkaana xilka shaqo ee uu u hayo UN ku taageerto kana tirsan Gollaha ammaanka.

Sidii Danjire Michael Keating oo ahaa nin matala boqortooyadda Ingiriiska kalsooni weynna ku qabay shaqada uu hayo maaha wakiilka cusub sida ka diblumaasi ahaan ii muuqanaysa.

Nicholas, waa nin Qarreen ah oo ku taqasusay arrimaha dowlad wanaagga, Dastuurka, dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda, waa nin aad u da’ weyn oo awood badan u haynin inuu ka qeyb qaato dadaallada marxaladaha adag lagaga saarayo Soomaaliya.

Magacaabidda waqtigani ayaa ah mid xaasaasi ah marka loo eego isbeddalada geeska Afrika oo weliba uu ka soconayo tartanka dhaqaale oo aad xiiso badan, wadamada Muslimka kuwa Carabta waa mid ku tusineysa fashil madaxtooyada Soomaaliya ka soo wajahay reer Galbeedkii ay ku tiirsanayd.

Waxaa sidoo kale arrinta maqaamka Soomaaliya oo ay hoos u dhigeen quwadaha waa weyn ee dunida ay imaanaysaa xilli dowladda dhexe iyo dowladaha shanta ah ee xubnaha ka ah ay ka dhaxeeyaan khilaafyo siyaasadeed oo aad u xooggan kuwaasoo saameeyn ku yeelan kara haddaan daba qabasho degdeg ah lagu la tacaalin mustaqbalka Soomaaliya iyo howlihii la rabay in dowladdani ay qabato.

Waxaan ku talin lahaa ka diblumaasi ahaan, in maamulka madaxweyne Farmaajo uu dib u eego arrinta reer Galbeedka sababtu waxaa weeye dhaqaalaha yar oo ay dowladda Soomaaliyeed ku dhaqdhaqaaqdo waqti xaadirkaan waa shilimaad iyaga laga helo.

Waxaa diyaariyey Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya iyo reer Galbeed, mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya, Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip