Wasiirka Duulista oo kulan la qaatay madax ka tirsan hay'adda ICAO ee QM

0
Thursday September 13, 2018 - 12:09:47 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista oo kulan la qaatay madax ka tirsan hay'adda ICAO ee QM

    Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa magaalada Montréal kulan kula qaatay madax ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa magaalada Montréal kulan kula qaatay madax ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ku simaha agaasimaha hay’adda duulista hawada Axmed Macallim Xasan iyo agaasimaha guud ee waaxda dakhliga wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Jacfar Maxamed Axmed.

Wasiir oomaar ayaa agaasimaha qeybta farsamada iyo kaalmada ee hay’adda ICAO Jorge Vargas kala hadlay arrimo ku saabsan hawlaha ay hay’addu ka wado Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradda duulista hawada Soomaaliya iyo hay’addaasi.



Waxaa kaloo kulanka looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa mashaariicda ay hay’adda ICAO ka fulin jirtay Soomaaliya oo ay kal hore dowladda hakisay, kadib markii ay dowladdu sheegtay in mashaariicdaasi loo maamulayay hannaan qaldan islamarkaana la musuq maasuqayay mashaariicda.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ha’adda ka dalbaday in xal deg deg ah loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka matoorro ay hay’addu maamusho oo dab siiya garoonka, kuwaas oo ay bishii ku baxdo lacag dhan $11,000, waxaana dowladdu dalbatay in ay iyadu soo iibsato Matoorro si qarashaadkaasi u baaqdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip