Wasiirka maaliyadda oo la kulmay wafdi ka socday bankiga adduunka (SAWIRRO)

0
Thursday September 13, 2018 - 12:05:06 in Wararka by
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka maaliyadda oo la kulmay wafdi ka socday bankiga adduunka (SAWIRRO)

    Wasiirka maliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta xarunta wasaaradda waxa uu kula kulmay wafdi ka socday bankiga adduunka. Kulanka oo looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay biyo la'aanta sameysay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka maliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta xarunta wasaaradda waxa uu kula kulmay wafdi ka socday bankiga adduunka. Kulanka oo looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay biyo la'aanta sameysay ee ku nool gobolada dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha.

"Maanta waxaan Xarunta W.maaliyadda kula shiray wafdi ka socday bangiga aduunka, waxaan ka wada hadalnay sidii loo caawin lahaa dadka ay biyo la’aantu saameysay ee gobolada dalka, shirka waxaa nagala soo qayb galay wasiirka qorsheynta iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha”. Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in wafdiga ka socday bankiga adduunka ay sidoo kale ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka go’an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dardar gelinta howlaha maamulka iyo maaliyadda dalka oo ay hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip