Halka Lagu Aasayo Meydka Xoghayihii Hore Ee QM Oo La Shaaciyey

0
Thursday September 13, 2018 - 11:47:18 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka Lagu Aasayo Meydka Xoghayihii Hore Ee QM Oo La Shaaciyey

    Waxaa soo idlaaday qabanqaabada toddobaadyada socotay ee loogu diyaar garoowayey aaska mid kamid diblomaasiyiinta loogu ixtiraam badanyahay qaarada Afrika. Labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxaa magaalada Accra ee dalka Ghana si aad ah looga daree

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo idlaaday qabanqaabada toddobaadyada socotay ee loogu diyaar garoowayey aaska mid kamid diblomaasiyiinta loogu ixtiraam badanyahay qaarada Afrika. Labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxaa magaalada Accra ee dalka Ghana si aad ah looga dareemay aaska Annan, iyadoo dadka u dhashay dalkaasi iyo madax kale oo ka kala socota dalalka caalamka ay ka qeybgalayaan aaska Koofi Annan.

 
Dadka ka qeyb galaya aaska ayaa waxaa kamid ah marwadii kowaad ee hore ee Madaxweynaha Koonfur Afrika, Graca Machel.

Sidoo kale madax kale oo ka socda geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobiya, Ivory Coast iyo Zimbabwe ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Kofi Annan.

Milatariga dalka Ghana ayaa aaska Kofi Annan ku maamuusi doonaan salaan sharaf iyo toddobo iyo tobban madfac oo ay ridi doonaan.

Kofi Annan ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee qabta xilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, isagoo na xilkaasi hayay intii u dhaxeesay sanadihii 1997 – 2006-dii.

Annaan ayaa ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel ee dhanka bani’aadanimada.

Kofi Annan ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa xal u helida dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta laga tirade badanyahay ee Rohingya iyo sidoo kale collaadaha ka taagan dalka Suuriya, waxana 18-kii Agost uu ku geeriyooday dalka Switzerland, ka dib xanuun muddo yar hayey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip