Pep Guardiola oo ku laaban doono Barcelona

0
Thursday September 13, 2018 - 11:37:52 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola oo ku laaban doono Barcelona

    Inta ugu badan taageerayaasha Manchester City ayaa walwal iyo wax is weydiin ka qaaday qorshaha Pep Guardiola uu ugu laabanayo Barcelona. Macallinka ugu guulaha kubadda cagta 10-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa carrabka ki dhuftay inuu doonayo in xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta ugu badan taageerayaasha Manchester City ayaa walwal iyo wax is weydiin ka qaaday qorshaha Pep Guardiola uu ugu laabanayo Barcelona. Macallinka ugu guulaha kubadda cagta 10-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa carrabka ki dhuftay inuu doonayo in xirfaddiisu ay ku idlaato halkii uu goor hore kasoo billaabay.

Guardiola ayaa kusoo iftiimay kooxda Barcelona isagoo Camp Nou kusoo qaatay afar sano oo dahabi ahayd, ka hor inta uusan Bayern Munic maamulin nasasho hal sano ah ka dib.

Macallinka reer Spain ayaa ku guuleystay horyaallada La Liga, Bundesliga iyo Premier League-ga oo uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Man City kula guuleystay.

47-jirkan ayaa hadda si cad u sheegay qorshahiisa ah inuu ku laaban doono Blaugrana iyo halkii uu xirfadda macallinnimo kasoo billaabay.

"Waxaan ku idleyn doonnaa markale halkii aan kasoo billaabay.

"Waxaan tallaabooyinkeyga ugu dambeeya kula qaadan doonaa Barcelona kulyadda La Masiaā€¯ ayaa uu Guardiola ku sheegay wareysi uu siiyay Universo Valdano.

Macallinka Cityzens ayaa khadka dhexe ugu ciyaari jiray Barca, ka hor intii uusan noqon tababaraha Barcelona B oo uu 12 ka dib kaga dallacay naadiga 1-aad inuu hooggaamiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip