Madaxweynaha Eritrea oo ka baaqday ka qeyb galka shir madaxeedkii IGAD ee Addis Ababa

0
Thursday September 13, 2018 - 10:17:35 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Eritrea oo ka baaqday ka qeyb galka shir madaxeedkii IGAD ee Addis Ababa

    Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka baaqday shir madaxeedka IGAD ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa, iyadoo aan la sheegin sababta baaqashadiisa. Shir madaxeedka IGAD ayaa waxyaabaha looga hadlayay ka mid ahaa heshiiska ay Eritrea dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka baaqday shir madaxeedka IGAD ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa, iyadoo aan la sheegin sababta baaqashadiisa. Shir madaxeedka IGAD ayaa waxyaabaha looga hadlayay ka mid ahaa heshiiska ay Eritrea dib uga mid noqoneyso xubinnimada IGAD iyo saxiixa heshiiska dhinacyada isku haya Koofurta Sudan. Urur Goboleedka IGAD ayaa ku casuumay Madaxweynaha Eritrea inuu ka soo qeyb galo shirka IGAD, si mar kale Eritrea xubin uga noqoto Ururka, kaddib tobanaan sano oo ay ka maqneyd.


Eritrea ayaa ka gaabsaday sababaha ay uga baaqatay shirka iyo wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Isaias oo aan tagin Addis Ababa.

Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in arrin waqti ku xiran ay tahay imaanshaha wafdiga Eritrea, balse waxaa uu xusay inuu dhacay heshiiska, waxa kaliya ee dhiman uu yahay in lagu dhawaaqo.

Ka sokow shir madaxeedka IGAD waxaa qorshaha ku jiray inay isku arkaan Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si loo soo afjaro colaadii labada dal u dhaxeysay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip