HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 13-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Thursday September 13, 2018 - 09:20:06 in Wararka by
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 13-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    WASAARADDA CADAALADA OO SHALAY TABABAR U FURTAY GARQAADAYAASHA XARUMAHA HABKA DADBAN EE XALINTA KHILAAFAADKA G/BANAADIR Tababarkaan oo soconaya seddex Maalin ayaa waxaa shalay furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASAARADDA CADAALADA OO SHALAY TABABAR U FURTAY GARQAADAYAASHA XARUMAHA HABKA DADBAN EE XALINTA KHILAAFAADKA G/BANAADIR Tababarkaan oo soconaya seddex Maalin ayaa waxaa shalay furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana loo qabtay garqaadayaasha xarumaha habka dadban ee xalinta khila-afaa adka gobolka Banaadir kuwaas oo dhawaan Wasaaradu ka hirgalisay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka iyo hooyooyinka ayaa ka dhex muuqday dadka loo furay tababarka, Muhiimada laga leeyahay ayaana wasaaradu ku sifeysay inay tahay in isku dhacyada iyo khilaafaadka bulshada dhex yaala lagu xaliyo hab xeer beegti ah kiisaska xarumahaan soo dhaafana loo gudbiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dalka oo furay tababarka ayaa u sheegay ka qayb galayaasha inay muhiimad weyn siiyaan habkaan xali nta khilaafaadka isla markaana ka faa,iideystaan daruusta laga bixin doono madasha



ccccccc             "Xarumahaan faa,iidooyinka ay leeyihiin waxaa ka mid ah tusaale hadda labo bi lood oo ay shaqeynayaan waxaa ay qabteen wax ka badan 60 kiis oo dacwo ah 35 ka mid ah waa la xaliyay oo xarumahaan ayaa ku guuleystay taasina waa muhiimada loo sameeyay waxaan idiin sheegayaan aas aaska in laga dhiso ayay u baahan tahay cadaaladu”ayuu yiri wasiirku

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU RIDAY LABO RUUX

            Guddiga Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah lagu ku riday labo ruux oo horay dil uga geystay Magaalada Qardho degaano hoos yimaada.

            Maxkamadda Magaalada Qardho Waxa ay sheegtay in  Ragga la xukumay lagu kala magacaabo Axmed Cabdi Nuur Siciid Iyo Bashiir Maxamed Siciid.

            Waxaa labaddan ruux loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Cabdiraxmaan C/laahi Axmed Qaytoor, laguna helay dambiga dilka ah ee ay gaysteen.

            Warqad kasoo baxday Garsoorka Maxkamada Qardho ayaa lagu  amray Taliyaha Saldhiga Qardho xabsiga in lagu sii haayo labada dhalinyarada ah ee dilka gaysatay illaa qisaastooda lagu fulinaayo.

GUDDI HOOSAADKA GOLAHA WASIIRRADA EE ARRIMAHA BULSHADA OO KA HADLAY YARAYNTA FAQRIGA IYO HORUMARINTA WAXBARASHADA

Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee arrimaha bulshada (Tubta Arrimaha Bulshada) oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka.

            Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa sheegay in kulanka lagu ansixiyay qorshaha wax ka qabashada faqriga oo uu soo bandhigay wasiirka shaqada iyo arrim aha bulshada.

            Qorshaha yaraynta faqriga ayaa waxaa kamid ah hirgelinta hannaan isku xir loogu samaynayo hay’adaha gargaarka iyo in la sameeyo cilmi baaris lagu ogaanayo heerka nolosha dadka danyarta ah iyo sida deeqaha ay bixiyaan hay’adaha gargaarku ay wax uga bedelaan nolosha bulshada.

            Kulankan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarinta hannaanka waxbarashada, gaar ahaan in iskuulaadkii dawladdu maamuli jirtay lagu soo celiyo gacanta dawladda, in macallimiin iyo maamulayaal ay dawladdu mushaarkooda bixiso loo shaq-aalaysiiyo iskuulaadka dawladdu maamusho, in la helo guddi qiimayn iyo kormeer ku sameeya tayada waxbar-ashada iyo in manhajka cusub ee waxbarashada la gaarsiiyo iskuulaadka.

            Tubta Arrimaha Bulshada ayaa oggolaatay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ay qorshaya ashaan u fuliso sida ay usoo diraarisay si hannaanka loo teyeeyo waxbarashada dalka.

KOOXO HUBEYSAN OO DIL KA GEYSTAY MUQDISHO

            Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Shalay  Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

            Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Khudaarta, waxaana la dilay nin dhal inyaro ah.

            Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

            Ciidamada Ammaanka dowla-dda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la she-egay in ay halkaasi ka bilaabeen how-lgallo.

            Magaalada Muqdisho ayaa ma-almihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.

AQALKA SARE OO WAFDI U DIRAYA MAAMUL GOBOLEEDYADDA

            Guddiga Joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in ay guddi u diri doonaan xarumaha maamul goboleedyadda.

            Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

            Kulanka ka dib war kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada in ay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay jooggaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada.

            Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan.

            Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

DOON SIDDAY HUB OO LAGU QABTAY GACANKA CADMEED

            Ciidanka badda ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay boqollaal hub fudud ah oo ay ku jiraan qoryaha AK-47, kuwaasoo saarnaa doon aan wax calan ah sidan oo maraysan gacanka Cadmeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka.

            Saraakiisha oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa sheegay in arrintaas ay dhacday qiyaastii laba todobaaad ka hor.

            Waxay sheegeen in ciidan la socday markabka USS JasonDunham ay fuuleen doonta. Doontaas ayaa ahayd nooca yaryar ee saxiimadaha ah.

            Sarkaal ka tirsan waaxda difaaca ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo halka hubkaas loo waday, wuxuuse sheegay inay baarayaan.

            Gacanka cadmeed ayaa ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ee Yurub, Aasiya, iyo bariga dhexe ku xira Yemen oo dhanka waqooyooi ah iyo Soomaaliya oo dhanka koofureed ah, iyo badda Arabian oo dhanka bari ah.

            Sarkaalkaas ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka wuxuu kaloo sheegay in ciidanka badda ee Maraykanka iyo maraakiibta dalalka xulafadooda ah ay hore u qaadeen hawlgallo noocaas ah, ayagoo qabtay doomo siday daroogo oo nawa-axigaas marayey.

MADAXWEYNIHII HORE XASAN SHEEKH OO KULAN LA LEH XILDHIBAANADA IYO WAXGARADKA BEESHIISA

            Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado igu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa.

            Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.

            Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in xaaladaha looga hadlayo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo deega anada Beesha degto oo inta badan gacanta ugu jirto Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ka jira.

            Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dhamaadkii bishii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo qaabilaad u badnaa kala warqa-adasho la qabsanayay siyaasiyiinta, odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

            Xasan Sheekh ayaa qorshaha uu u yimid magaalada Muqdisho ahaa sidii uu dhisi lahaa Xisbi ballaaran oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada saaxibadiisa ee ku jira labada gole.

KULANKA TODOBAADLAHA G/BANAADIR OO LOOGA HADLAY AMNIGA MUQDISHO

            Duqa Muqdisho ahna Guddoo-miyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in barnaamijka Isxilqaan ee DFS ay ka hirgelinayso dalka uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Xasan-01-696x391             Eng.Yariswo ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maamulka 17-ka degmo ee Gobo lka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

            Kulankan Todobaalha ah ayaa sidoo kale waxaa lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amm-aanka iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka, si looga hortago falalka Alshabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

            Guddoomiye Kuxigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaar iicda horumarin-eed ee ka socda Gobolka.

            Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Gobolka dhiirigelinta iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen qorshaha dib u soo celinta goobaha danta guud ee Caasimada, waxaana la isku raacay in la sii wado qorshahan, dibna loo hirgeliyo goobihii ay ku nasan jireen bulshadu.

            Sidoo kale, Guddoonka heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si wada jir ah u bogaadiyey habsami u socodka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Garoonka Koonis, iyagoona hambalyo u diray degmooyinka u soo gudbay wareegga labaad.

MADAXWEYNAHA ISMAAMULKA SOOMAALIDA OO ADDIS ABABA KU SOO DHOWEEYAY MADAXWEYNE FARMAAJO

88888             Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa shalay ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaam inayay.

            Soo dhoweyntan oo aheyd mid heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida iyo Mas’uuli yiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Text Box: Bogga 3aad             Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somali State Mustafa Cagjar ayaa wada hadlay arrimaha ammaanka, horumarada iyo dadaalada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.

            Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada nabadda iyo is bedelka ka socda Deeg aanka Soomaalida. 

            Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagay Addis Ababa ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo lagu wado in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin is bedelka Geeska afrika iyo dib uga mid noqoshada ururka ee dowladda Erit rea.

AQALKA SARE OO WAFDI U DIRAYA MAAMUL GOBOLEEDYADDA

            Guddiga Joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in ay guddi u diri doonaan xarumaha maamul goboleedyadda.

            Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

            Kulanka ka dib war kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada in ay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay jooggaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada.

            Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan.

            Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

GAAS "DOORASHO HAL QOF IYO HAL COD AH WAXA AY KA DHICI KARTAA KELIYA PUNTLAND”

             Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay furay Shir weynaha Hanaanka Dimuqura adiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland.

            Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Masuuliyiin ka socotay hay’ad aha aan dowliga ahayn, 6 deg-mo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’ addaha Wasaaradda Da-stuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasa-dda iyo masuuliyiin kale.

            Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgel inta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda.

            "Dimuquraadiyaddu laba siyaaboodba waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu codkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay, waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, hal kaa ku ma 'eka dadka iyagu tirada yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tum an inta tira badnida codka ku heshay”. Ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

            Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa si faahfahsan u gorfeeyey qaybaha kala duwan ee adduunka loogu dhaqmo dimuquraaddiyadda, isagoona is barbar dhigay dimuquraadiyadda keliteliska iyo dimuquraadiyadda tala wadaa gga ku dhisan, madaxweyanaha yaa hoosta ka xariiqay inaanay dimuquraadiyaddu keenin horumar deg deg ah.

            Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madax weyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen di-muquraadiyadda.

            Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan.

RUUSHKA IYO SHIINAHA OO SOO BANDHIGAY AWOODDOODA

            Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha mudane Vladimir Putin iyo Xi Jinping ayaa shir uga socdaa magalada Vladivostok ee dhacda xeebaha Bari ee Ruushka. Labada madaxweyne ayaa soo bandhigay xirfaddooda cunno karinta, xilli uu Ruushku ku guda jiro dhoolatus ciidan kii ugu weynaa abid ee ciidanka Ruushka ey soo bandhigaan marka laga reebo xilligii ey katirsanaayeen Midowga Soofiyeed. Dhoolatuska waxaa ka qeyb qaadanaya kumanaan kun oo katirsan ciidamada kumaandoosta ee Shiinaha.

            Dhoolatuska waxaa ka qeyb qaadanaya 300,000 oo askarta lugta ah, 36,000 gawaarida gaashaaman, in ka badan 1,000 diyaaradaha dagaalka, iyo ku dhowaad 100 maraakiibta dagaalka ah, gujisyo iyo doonyo aan tiradooda la sheegin. Dhoolatusku wuxuu socanayaa 7 maalmood, wuxuu bilaabmay 11/9 wuxuuna dhammaanayaa 17/9.

            Labada hogaamiye ayaa ka wadahadlay xaaladda dhaqaale, ciidan, horumar iyo cimilo ey dunidu marayso, iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha u dhiman — iyagoo gabagabadii kala saxiixday heshiisyo xoojinaya iskaashiga labada dal dhinac walba.

            Ganacsiga ka dhexeeya labada dal ayaa sanadkaan 2018 50% kor u kacay, waxaana la kala gatay badeecad lagu qiimeeyay $100 Bilyan, sida ey kusoo warrameen hay’adda warbaahinta Ruushka ee loo yaqaan TASS.

            Madaxweynaha Shiinaha Xi wuxuu yiri: "Shiinaha iyo Ruushka waxay iska kaashanayaan sidii dunida xasilooni loogu soo dabaali lahaa. Mudane Xi oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Labada dal ee Shiinaha iyo Ruushka waxaa ka go’an iney nabad waarta ka dhaliyaan goobaha dunida ey qalalaasaha ka jiraan — iyagoo dhaqan gelinaya mabaadi’da iyo go’aamada Qaramada Midoobay, waxayna iska diidi doonaan isku dayada halka dhinac ah (unilateralism); iyo siyaasadda isdhowrka dhaqaalaha iyo diidmada tartanka (protectionsm). Madaxweyne Xi wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday: "taas beddelkeeda waxaan dhiseynaa wadiiqo cusub oo aan ku hagaajineyno xiriirka caalamiga ah (International Relations) iyo abuurista jaaliyad wadaagta mustaqbalka aadanaha”.

            Sidoo kale, madaxweyne Putin ayaa adkeeyay hadalka madaxweyne Xi, isagoo si kaftan ah u yiri Shiinaha saaxiib tinnimada nagala dhexeysa iney qotodheer tahay waxaad ku garan kartaan, Shiinuhu waa dalka kaliya ee u dabaaldaga maalinta dhalashad-ayda.

            Dhanka kale, Mareykanka ayaa u fasirtay dhoolatuska ciidan ee labadaaan dal iyo kulanka madaxdooda colaad isaga loola dan leeyahay. Bobo Lo oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka ayaa yiri: "Shiinaha iyo Ruushka waxay leeyihiin dano mideenaya iney xiriirkooda adkeeyaan”. Bobo oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Shiinuhu waa saaxiib dhammeys u ah mashruuca Ruushku uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto awoodda dunida; Ruushku wuxuu rumeysan yahay in iyaga, Shiinaha iyo Hindiya ey yihiin awoodda diinimak-ada (dhaqaajineysa) dunida”. Bobo wuxuu kaloo yiri: "Shiinuhu waxay Ruushka ka doonayaan gacaltooyo, Ruushka waxaa laga yaabaa ineysan dhaqaale ahaan sidaas u caawin karin Shiinaha, laakiin wey dhaawici karaan, Shiinuhuna ma doonayo in cadowgu ku bato” ayuu Bobo hadalkiisa kusoo gunaanaday.

            Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan cuna qabateeyay badeeco Shiinuhu leeyahay oo lagu qiimeeyay $200 Bilyan, arrinkaana waxay qeyb ka tahay dag-aalka dhaqaale uu Mareykanku kula jiro Shiinaha. Taa beddel keeda, Shiinaha wuxuu Ruushka kala kulmay soo dhoweyn iyo kalsooni heersare ah, heer ey gaadhay in labada ciidan ey si wadajir usoo bandhigaan dhoolatus ciidan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAYA SHIR MADAXEEDKA URUR GOBOLEEDKA IGAD

            Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

            Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xogwareysanaya qo-rsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib u soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobb-adii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

            Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib u dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

            Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika .

KENYA OO CIIDAMO CUSUB GEYNEYSO XADKA SOOMAALIYA

            Dowladda Kenya ayaa sheeg-tay in ay diyaarineyso Ciidamo cusub oo Boolis ah oo la geynayo illaa 60 goobood oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya

            Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Birik ayaa sheegay in Ciidamadaasi oo qaarkood la qorayo loo qorsheeyay in ay sugaan amniga deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya.

            Mr Birik ayaa xusay in Ciidamadaasi gaarka ah ay ka hortaagi doonaan weeraradaAl Shabaab ay ku qa-adaan deegaano ku yaala xadka labada dal.

            Ciidamadaasi Booliska ah ayaa howlgallo roondooyin ah ku sameyn doona goobaha ay inta badan Al Shabaab ka soo qaadaan weerarada ee ku yaalla goballada Waqooyi Bari iyo Xeebta ee dalkaasi.

            Kenya ayaa horay u sheegtay in ay wax ka qaban doonto amniga xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo ay Al Shabaab ka fuliyaan weeraro xoogan.

            Ugu dambeyn xiriiraha gobolka Waqooyi Bari ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya ugu baaqay in ay la shaq-eyaan Ciidamada, si looga hortago weerarada Xarakada Al Shabaab.


BOGGA CAYAARAHA..


HEEGAN OO KU DHAWAAQDAY KABTANKEEDA RASMIGA AH KADIB BIXITAANKA CATOOSH

            Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa ku dhawaaqaday kabtankeeda rasmiga ee hogaamin doona fasal ciyaareedka 2018-19, kadib bixintaakii Cabdicasiis Catoosh.

            Heegan ayaa si rasmi ah ugu dhiibtay calaamada xushmada ee kabtanimo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Cumar Qaxtaani, kaa oo kamid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxdan.

Catoosh-780x405             Xidigan ayaa ku sugan kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan mudo afar sano isagona kula soo guuleystay kooxdan horyaalka Somali Premier League sanad ciyaareedkii 2014-15 sido kale wuxuu la hantay koobab munaasabado.

            Cumar Qaxtaani ayaa ku soo ifbaxay tartanka degmoo yinka sanadkii 2014-kii markaas oo u ciyaarayay xulka degma da Xamar Weyne, waxaana xusid mudan inuu kula guuleystay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

            Kadib Tartanka degmooyinka waxaa heshiis la gashay kooxda haatan uu ku sugan yahay Heegan, isago ahaa san adkii la soo dhaafay kabtanka 2-aad kooxdan.

            Yeelkeede Heegan ayaa sanadkan waxaa hogaamin doona ciyaaryahan Cumar Qaxtaani.

NACHO MONREAL OO XIISEENAYA IN QANDARAASKA UU U KORDHIYO KOOXDA ARSENAL