Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo kulan la leh Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beeshiisa

0
Wednesday September 12, 2018 - 21:25:35 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo kulan la leh Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beeshiisa

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado igu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado igu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa.
Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in xaaladaha looga hadlayo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo deegaanada Beesha degto oo inta badan gacanta ugu jirto Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ka jira.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dhamaadkii bishii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo qaabilaad u badnaa kala warqaadasho la qabsanayay siyaasiyiinta, odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa qorshaha uu u yimid magaalada Muqdisho ahaa sidii uu dhisi lahaa Xisbi ballaaran oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada saaxibadiisa ee ku jira labada gole.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip