Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida oo Addis Ababa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo

0
Wednesday September 12, 2018 - 20:09:33 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida oo Addis Ababa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo

    Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxa med Cumar (Cagjar) ayaa maanta ku soo dhowe eyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay. Soo dhoweyntan oo aheyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxa med Cumar (Cagjar) ayaa maanta ku soo dhowe eyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay. Soo dhoweyntan oo aheyd mid heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somali State Mustafa Cagjar ayaa wada hadlay arrimaha ammaanka, horumarada iyo dadaalada nabadda ee ka socda Geeska Afrika. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada nabadda iyo is bedelka ka socda Deegaanka Soomaalida. Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagay Addis Ababa ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo lagu wado in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin is bedelka Geeska afrika iyo dib uga mid noqoshada ururka ee dowladda Eritrea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip