Bahda Isboortiga oo kulan Baroor diiq ah u sameeysay Halyeeyad Qaran Saciido Abukar Nuur (Wariiri)+Sawirro

0
Monday September 10, 2018 - 11:48:55 in Wararka by
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bahda Isboortiga oo kulan Baroor diiq ah u sameeysay Halyeeyad Qaran Saciido Abukar Nuur (Wariiri)+Sawirro

    Waxaa Shalay Hotelka Makah Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu baroor diiqayay Alle ha unaxariistee Laacibicadii hore ee xulka qaranka kubadda Kolayga Saciido Abuukar Nuur ( Saciido Wariiri) oo 4ti Bishan September ku geeriyoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Shalay Hotelka Makah Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu baroor diiqayay Alle ha unaxariistee Laacibicadii hore ee xulka qaranka kubadda Kolayga Saciido Abuukar Nuur ( Saciido Wariiri) oo 4ti Bishan September ku geeriyooday dalka Canada.

Kulankan oo ay qaban-qabadiisa iska kaashadeen Xarunta Talo Soo jeedinta Soomaaliyeed, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Xarunta oo bahda isboortiga qayb ka ah, Masuuliinta GOS, Madaxda Xiriirada, Wasiiro horey xilal uga soo qabtay Isboortiga, Xildhibaano heer Federal iyo Heer Maamul-goboleed, macallimiin , garsoorayaal, Ciyaartoy iyo taageerayaashii hore ee Isboortiga.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay buugaag laga qoray taariikh nololeedkeedka Alle ha Naxariistee halyeeyad Qaran saciido Nuur Abuukar , guulaheeda , kartideed iyo xirfadeed ciyaareed heer Naadi iyo Heer Qaran.

Sidoo kale masuuliyiinta goobta ka hadlay oo u badnaa kuwa lasoo ciyaaray, kuw, soo tababaray kuwa soo maamulay heer Naadi , heer qaran iyo heer Dowlad iyo taageerayashi u sacabo tumi jiray ayaa dhamaan muujiyay qiimahii ay Isboortiga ku lahayd saciido Wariiri Alle ha unaxariistee waxaana waxyaabha ay ka xuseen ka mid ahaa in ay mid ahayd gabdhihi ugu horeeyay ee kubad Kolay ciyaara iyo xulkii ugu horeyey ee Kubad kolay dalka dibadiisa ugu safra, sidoo kale ciyaartoydii ugu waqtiga Dheeraa ee kubadda Kolayga kasoo muuqda.

Sidoo Kale Saciido Wariiri ayaa la tilmaamay in ay markii ay qurbaha aaday in ay door lixaad leh ka qaadatay abaabulka iyo garabsiinta kubadda Kolayga gaar ahaan ciyaaraha heer qaran iyadoo markasta ay ka go’nayd guusha xulka qaranka isla markaana aysan aqbalin xilal loosoo bandgigay.

Bahda Isboortiga ayaa tilmaamay in saciido aysan kaliya ka bixin qoyskeeda balse dhamaan Soomaaliya gaar ahaan bahda Isboortiga in ay ka geeriyooday, balse waxay si gaar ah tacsi ugu direen qoyskeeda gaar ahaan Wiilkeeda waxayna alle uga baryeen in Naxariisti janno alle Ka waraabiyo.

Dhanka kale Bahda Isboortiga ayaa soo jeedisay in la sameeyo iska warqab iyo xanaaayn lagu sameeyo ciyaartoydii hore dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan isla markaana laga wada qayb qaato Horumarka Isboortiga dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip