Sheekada Zidane & Man United oo xiiso yeelatay

0
Sunday September 09, 2018 - 21:30:25 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekada Zidane & Man United oo xiiso yeelatay

    Jose Mourinho shaqadiisa weli halis ayay kujirataa sida warar kasoo baxaya Ingiriiska ay sheegayaan. Tababaraha reer Portugal ayaa waxaa ku adkaaday bilowga xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo United ay haatan ku jirto kaalinta 10aad, iyagoo li

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho shaqadiisa weli halis ayay kujirataa sida warar kasoo baxaya Ingiriiska ay sheegayaan. Tababaraha reer Portugal ayaa waxaa ku adkaaday bilowga xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo United ay haatan ku jirto kaalinta 10aad, iyagoo lix kaliya dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen. Laakiin Mourinho ayaa u muuqda mid wali badbaadin kara booskiisa kooxda Manchester United kadib guushii uu gaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa ka heshay Premier League.

Mid ka mid ah magacyada ugu weyn ee kubada cagta caalamka xilligan oo ah tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la qorsheynayaa inuu la wareego shaqada Jose Mourinho.

Macalinka reer France ayaa si aad ah loola xiriirinayay shaqadaan todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana la rumeysan yahay inuu xiiseynayo inuu booska Mourinho bedelo.

The Mirror ayaa qortay in Toni Kroos, Thiago Alcantara, James Rodriguez iyo Edinson Cavani ay yihiin afar magac oo waaweyn oo Zidane uu xiiseynayo inuu ku biiriyo garoonka Old Trafford marka uu qabto shaqada Manchester United.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip