Spain & Switzerland oo badiyay xili Luxembourg taariikh sameysay

0
Sunday September 09, 2018 - 20:55:02 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain & Switzerland oo badiyay xili Luxembourg taariikh sameysay

    Spain ayaa garaacday England, halka Switzerland guul weyn ay ka gaaren xulka Iceland, sidookale xulka qaranka Luxembourg ayaa gaaray guushii ugu weyneyd taariikhda. Group A qeybtiisa 2aad: Switzerland 6-0 Iceland Muuqaal cajiib ah ayay ku samyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Spain ayaa garaacday England, halka Switzerland guul weyn ay ka gaaren xulka Iceland, sidookale xulka qaranka Luxembourg ayaa gaaray guushii ugu weyneyd taariikhda. Group A qeybtiisa 2aad: Switzerland 6-0 Iceland Muuqaal cajiib ah ayay ku samyeen wiilasha Switzerland garoonka St Gallen, iyadoo Steven Zuber iyo Sea Zaharia min laba gool dhaliyeen.

Xherdan Shaqiri ayaa laad xor ah shabaqa ku riday, halka Birkir Bjarnason oo ciyaartii ugu horeysay ciyaaray uu shabaqa soo taabtay.

Group A qeybtiisa 4aad: England 1-2 Spain

Tababare Luis Enrique ayaa ku soo bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa noloshiisa isagoo tababare u ah xulka Spain kadib kulan uu wajahay England.

Saúl Ñíguez ayaa si dhakhso ah u kansalay gool uu dhaliyay Marcus Rashford ka hor inta Rodrigo gool labaaad dhalin 32 daqiiqo.

League B

Group B qeybtiisa 3aad: Northern Ireland 1-2 Bosnia & Herzegovina

Waqooyiga Ireland ayaa laga badiyay inkastoo ay si fiican u ciyaareen, laakiin Haris Duljević iyo Elvis Sarić ayaa laba gool ka dhaliyay.

Dhamaadkii ciyaarta Will Grigg ayaa shabaqa soo taabtay, inkastoo xulkiisa looga badiyay 2-1.

League C

Group C qeybtiisa 2aad: Finland 1-0 Hungary

Goolkii ugu horeeyay ee Teemu Pukki u dhaliyo xulkiisa xalay wuxuu ahaa mid aan caqli gal aheyn, isagoo ka saaciday in xulkiisa Finland garaacaan Hungary.

Kooxda martida loo ahaa ayaa si wacan uga dhex muuqatay garoonka, iyadoo Joona Toivio iyo Pukki ay labadoodaba sameyn ku yeesheen guusha xulkooda gaaray.

Group C qeybtiisa 2aad: Estonia 0-1 Greece

Kostas Fortounis ayaa dhaliyay daqiiqadii 14aad goolka kaliya ee Greece kadib markii uu caawinaad ka helay Kostas Mitroglou kulankii ka dhacay Tallinn.

League D

Group D qeybtiisa 2aad: Belarus 5-0 San Marino

Igor Stasevich ayaa daqiiqadii afaraad daah furay goolasha xulkiisa, iyadoo laba kale oo madax ah uu raacsaday Stanislav Dragun, halka Anton Saroka iyo Yuri Kovalev ay dhaliyeen goolasha kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip