Lionel Messi: sanadkaan waxaan doonayaa Champions League

0
Tuesday September 04, 2018 - 11:53:10 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi: sanadkaan waxaan doonayaa Champions League

    Lionel Messi ayaa ku celiyay rabitaankiisa ah inuu ku guuleysto tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, iyadoo Barcelona ay dooneyso inay soo afjarto muddo saddex sanno ah oo aysan qaadin tartamada Yurub. Barcelona ayaa ku guuleysatay Champion

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa ku celiyay rabitaankiisa ah inuu ku guuleysto tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, iyadoo Barcelona ay dooneyso inay soo afjarto muddo saddex sanno ah oo aysan qaadin tartamada Yurub. Barcelona ayaa ku guuleysatay Champions League sannadka 2015kii waqtigaasoo Luis Enrique hogaminayay kooxda, laakiin waxaa lagu reebay wareega sideeda seddexdii xilli ciyaareed ee u dambeyay. Messi, oo afar jeer ku guuleystay Champions League intii uu kubada cagta ciyaarayay, ayaa sheegay inuu doonayo inuu gacanta ku dhigo markale horyaalka yurub.

Isagoo wareysi siinayayRadio Catalunya,waxa uu mar kale ku adkeystay in tartanka Champions League mudnaanta koowaad u yahay xilli ciyaareedkan.

"Sannadkan, waxaan qabaa inay tahay waqtigii lagu guuleysan lahaa Champions League mar kale,” ayuu yiri, "Waxaan seddex xilli ciyaareed oo isku xiga ku harnay wareega quarterfinals-ka.

"Sannadkii hore waxa uu ahaa kii ugu xumaa sababtoo ah natiijada aan lugtii hore helnay iyo sida aan ugu soo harnay lugta labaad wax is leh ma noqon.

"Waxaan qabaa in koox ahaan iyo ciyaaartooy ahaanba aan diirada u saarneyno Champions League, waxaan heysanaa koox cajiib ah, waan sameyn karnaa wax walba.

waxaan heysanaa koox awoodi karta tartanka inay qaado dagaal kasta waa inaan ku guuleystaa tartanka Champions League xli ciyaareedkaan "ayuu ku hanjabay Messi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip