Waxaan arrimahaasi hor dhignay qaar ka mid ah Bulshada Muqdisho , waa kan ugu horeyn Cabdullaahi Sheekh Nuur Maxamud oo bare ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho oo ka hadlaya arrigtidiisa arrimahaan ku aadan.

Dhinaciisa Mursal Maxamuud Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in Iskaashigaan Ganacsi ee Seddex geesoodka ah uu qabo in uu yahay mid Horumar la taaban karo u soo hoynaya dalkeena Soomaaliyeed.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in haddii Somalia ay hesho Maalgashiga Shiinaha ay u baahan tahay suuq ay uga faa’ideysato kaasina uu u arko in uu yahay 100-ka Million ee Ethiopian-ka ah oo aan heysan Bad iyo Dekedo intaba

Ugu dambeyn Ayaan Cabdislaan Cabdullaahi ayaa soo dhaweysay Iskaashiga Somalia iyo China balse waxa ay shaki weyn ka muujisay in Xiriir Ganacsi dalku la yeesho Ethiopia iyadoo cuskaneysa in aan Ethipia lagu kalsoonaan Karin.

Socdaalkii Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ku gaareen dalka China oo ah dalka 2aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa Yididiilo iyo Rajo wanaag ku beeray inta badan Bulshada Soomaaliyeed , waxaana goobaha dadweynuhu ku qaxweeyaan ee dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay dadku ku hadal hayeen in Heshiisyada iyo kulamada Wafdiga Madaxweynuhu Madaxda China iyo kuwa kale ee Africa kula yeesheen Beijin yihiin kuwa wax tar una baahan in laga dhabeeyo si deg deg ahna loo dar dar galiyo si ay ugu diirsadaan umadda Soomaaliyeed oo iminka u hamuun qabta in ay ka soo kabtaan dib u dhaca ballaaran ee ay ka dhexleen mudadii burburka iyo dowladihii Musuqmaasuqu hareeyeen lagu guda jiray

Audio Player