Mourinho oo beeniyay inuu diiday saxiixa Cr 7

0
Monday September 03, 2018 - 22:31:54 in Wararka by
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho oo beeniyay inuu diiday saxiixa Cr 7

    Sida laga soo xigtay Jose Mourinho, Ronaldo inuu dib ugu soo laabto garoonka Old Trafford ma aheyn qorshaha maamulka Red Devils. Jose Mourinho ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu diiday Cristiano Ronaldo inuu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Manchest

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga soo xigtay Jose Mourinho, Ronaldo inuu dib ugu soo laabto garoonka Old Trafford ma aheyn qorshaha maamulka Red Devils. Jose Mourinho ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu diiday Cristiano Ronaldo inuu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Manchester United.Warar soo baxayay todobaadkaan ayaa lagu shaaciyay in kooxda Manchester United ay udhaqaaqday sidii ay dib ugu soo celin laheyd Old Trafford Ronald,lakiin uu diiday Mourinho saxiixa 33 jirkaan. Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii United ay 2-0 ku badisay kulankii ka dhacay xalay Turf Moor, Mourinho ayaa si dhaqso ah u beeniyay wararkaas, isagoo ku adkeystay inuu saxiixa Ronaldo jacelaa markasto.

"Cristiano weligey ma dhahayo saxiixiisa maya,” ayuu Mourinho yiri, markii la weydiiyay sida ay wax u dhaceen.

"Cristiano inuu nagu soo biiro waxay aheyd wax wanaagsan, marna ma diidi laheyn saxiixiisa” ayuu ku celceliyay Mourinho





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip